U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dagaal Ka Billawday Magaalada Gaalkacyo Xilli Nabadeyn Socotey

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka billawday dagaal u dhaxeeya ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug, xilli nabadeyn ay socotay.

Dagaalkaan ayaa ka billawday halkii ay isku horfadhiyeen Labada ciidan, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaan, waxaase la maqlayaa rasaas xooggan.

Waxaa soconeysa dadaallo la doonayo in xabadda lagu joojiyo oo ay wadaan xubno ka tirsan dowladda Federaalka, maamul gobaleedyada iyo Odayaal dhaqameed.

Waxaa la doonayay in saacadaha soo aadan ee maanta la kala qaado ciidamada Puntaland iyo Galmudug si loo fuliyo heshiiskii shalay ka dhacay Garoonka C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News