Dagaalka Sokeeye: Muqaal La Daawaday Oo Dib Loo Shiday!
Wixii ka dambeeyay burburka dowladii dhexe ee dalka islamarkaana uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, Soomaaliya waxay lasoo daalaa dhacday dagaallo sokeeye oo dhiig Soomaaliyeed kaliya uu ku daato.
Sanado badan waxaa dalka ka dhici jiray dagaallo sokeeye, hadana mararka qaar markii dib loo eego aanay ku jirin wax dan ah haba yaraatee.
Nolosha Malaayiin Soomaali ah ayaa ku baxday dagaalladaasi, kuwana waa ay ku naafooween, halka malaayiin kalena ay qaxooti maciin bideen.
Hadaba sanadihii ugu dambeeyay ee la helay dowladnimada dadku waxay moodayeen in la gaaray nidaam cusub oo meesha ka saari doona in Soomaalida ay qabiil ama wax la mid ah isku disho.
Waxay dadka qaar u heysteen in hadda shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo midoobi doono, iloobi doono colaadii hore, laguna waana qaadan doono wax walba oo horay u dhacay.
Hase ahaatee sanadkaan 2015-ka oo dabayaaqo sii maraya ayeey Soomaalidii dib u shideen muuqaalkii la daawaday ee dagaallada sokeeye, xilli laga shirayo sideen isku doorannaa.
Sanadaha aynu soo sheegnay oo idil ma aanu ka marneen in la’is dilo ama dhibaato kale dhacdo, balse Sanadkaan ayaad moodaa in si sax ah loo daaray Cajaladii muuqaalka ahayd ee horay dadku ugu daaleen.
Waxay ka daarantay goballo badan oo dalka ah, balse Bilihii ugu dambeeyay aynu dib u jileecno meelaha Muuqaalkaan laga daawaday iyo faa’idada laga helay.
22-ka bishii November 2015, waxaa dagaal sokeeye uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, waxaana dagaalkaasi uu sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.
Waxay kala wateen dhinacyadii dagaallamayay magacyada maamul gobaleedyo, laakiinse ma aysan xusuusan kuwa rasaasta ridaya in maqaarkoodu yahay Soomaali, waxa dhimanaya, dhaawacmaya ama barakacayana yahay Soomaali kale.
Bal eeg maalmo badan oo la dagaallamay ka dib, hadane waa la heshiiyay, taasi ma moodaa in marka hore dagaalladaasi laga fiirsan, waayo dhiigga Labada dhinac ka daadanaya waa Soomaali, khasaarahana Soomaaliweyn buu u yaallaa.
Hadii Gaalkacyo aan lagu dagaallami lahayn ma dhici lahayn:-
Dhimasho!
Dhaawac!
Barakac!
Burbur Hantiyeed!
Hadane dhammaantood waxay ahaayeen wax uu Allah qadaray inay dhacaan, balse waxaa loo baahan yahay dadaal ah in laga fiirsado inta aysan dhibaato dhicin.
Magaalada Marka
12 December 2015 Maleeshiyaad kala huwan Magacyo qabiil, balse Soomaali wada ah ayaa ku dagaallamay magaaladaasi, si la mid ah dagaalladii dhici jiray oo kale buu khasaarahana ahaa.
Waxaa intaasi usii dheer in ay xirmeen adeegyadii bulshada ee magaalada Marka, sida Isbitaalladii iyo suuqyadii.
Magaalada Baladweyne
13 December 2015 waxaa ka dhacay dagaal isna isla magac qabiil huwan, shacab badan baa geeriyooday, kuwo kalena waa ay dhaawacmeen, Barakacana illaa hadda ayuu socdaa.
Waxay iyana huwan yihiin magac beel, laakiinse waa Soomaali, khasaarahoodana sidoo kale Soomaaliweyn buu u yaallaa, balse iyagu weli lama oga inay dareemeen taasi.
Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta dowlad, dhammaantood aad iyo aad bay ugu jahwareereen dagaalladaan, sababtoo ah meel hadii ay ka damiyaan Cajaladii aynu soo sheegnay meel kale bay ka daarmaysaa.
Bal dib u xusuuso, ma jirtaa mudadii dadka Soomaaliyeed ay dagaallamayeen wax ay ka heleen oo faa’ido ah?
Beerihii miyaa u baxay?
Waxbarasho miyeey ka heleen?
Dalkii miyaa dib loo dhisay?
Asaageenii maka horumarnay?
Warshadihii iyo wax soo saarkii dalka mala kiciyay?
Canuga yar ee dhashay Nabad maku barbaaray?
Dalalka kale ee caalamka xilligaan waxa ay ku tartamaan horumarada iyo in diyaaradaha hawada socdo guuxooda wax laga bedalo, hawadawasaqda ah la nadiifiyo, balse bedalkeeda waxaynu ku tartamaynaa, imisaa la dilay, yaa barakacay, iyo maamulkee awood badan?.
Waxaa la yiri nabaddu iyada kuuma baahna ee adigaa u baahan, hadii maanta dhiigga walaalkaa aad daadiso laga yaabo berri waqti aan loo baahneen inaad ka shallayso.
Soomaalida waa dad walaalo wada ah, isku dhaqan, isku diin iyo isku af, ma haboona in shacabka Soomaaliyeed ay xilligaan daawadaan Cajaladii Dagaalka Sokeeye ee dalka dhibaatadaan u horseeday, bedalkeeda waa in la tuuraa oo la shitaa Cajalad cusub oo nabad, barwaaqo iyo is jaceyl ka hadleysa.
Maxamed Abukar Kulmiye
Goobjoog News