U bood dhigaalka

Ban Ki-moon Oo Walaac Ka Muujiyay Rabshadaha Ka Socda Burundi

Sheeko:Dalka

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha ka jira dalka Burundi, isaga oo ka digay dagaallo sokeeye oo dalkaasi ka dhaca.

Waxa uu sheegay inuu aad uga xunyahay meydadka maalin walba laga helayo caasimadda Bujumbura ee dalka Burundi, waxaana uu ku baaqay in xiisadda la damiyo, wax walbana lagu dhameeyo wada hadal iyo is faham.

Waxa uu Mr Moon sheegay in la taliyihiisa gaarka ah u dirayo Burundi si uu ula soo kulmo madaxda dalkaasi iyo sidoo kale kuwa gobalka oo arrimahaasi uu kala soo hadlo iyo sidii lagu qaboojin lahaa.

“Waxaan aad iyo aad uga walaacsanahay xiisadaha iyo rashadaha ka jira Burundi, waxaan rabnaa in xasiloonida laga shaqeeyo, waxaan la shiri donnaa cid walba oo ay quseyso waxa ka socda Burundi” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Tan iyo bishii April markii dalkaasi ay ka billawdeen rabashadahaan waxaa la sheegay in halkaasi ay isaga barakaceen kumanaan qof oo aaday dalalka deriska ah.

Dhinaca kale magaalada Bujumbura waxaa laga helay Meydadka dad badan oo shacab ah, iyadoo arrinta ugu daran xilligaan ay tahay in dalkaasi uu ka billawdo dagaal sokeeye.

Goobjoog News