U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Magaalada Marka Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay howlgallo ka wadaan qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada Marka ee gobalka Shabellaha Hoose.

Howlgalkaan ayaa lagu baarayaa guryaha ku yaalla xaafadaha ay ciidanka howlgalka ka wadaan, iyadoo weli aanay jirin dad lagu soo qabtay howlgalkani.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Marka ayaa u sheegay Goobjoog News in howlgalkani uu daba socdo qarax Bam oo xalay lagu weerary askar ka tirsan ciidanka dowladda oo magaaladaasi ku sugan, iyadoo qaraxaasi aan la ogeyn khasaaraha uu geystay.

Saraakiisha ciidanka Booliiska ee degmadaasi ayaa xiriir aynu la sameynay waxay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan howlgalkaan.

Magaalada Marka ayaa amni darro laga dareemayay maalmihii ugu dambeeyay, xilli dhawaan halkaasi uu ka dhacay dagaal beeleed u dhaxeeyay Maleeshiyaad halkaasi wada deggan.

Goobjoog News