U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka Oo Cambaareysay Rabshadihii Dhawaan Ka Dahacay Jabuuti

Sheeko:Dalka

Dowladda Maraykanka ayaa cambaareysay rabshadihii dhiigga ku daatay ee caasimadda dalka Jabuuti ku dhexmaray Booliiska iyo dad Siyaaro ka qeybgalayay.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay inay ka xunyihiin ka dowlad ahaan ficiladii dhacay Labo maalin kahor, uguna baaqday dowaldda Jabuuti in xaaladda ay dejiso.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Maraykanka John Kirby ayaa yiri “ Dowladda Jabuuti iyo siyaasiyiinteeda waxaan leenahay wax walba ku dhameeya, mucaaradku dib ha u billaabaan wada hadallada nabadeed si loo xaqiijiyo in sanadka 2016-ka Jabuuti ka dhacdo doorasho nabadeed”

Sidoo kale Afhayeenka ayaa ugu baaqay xukuumadda Jabuuti inay xabsiyada kasii deyso xubno mucaaradka ka mid ah oo dhawaan la xiray.

Laba Maalin kahor rabshado ka dhacay dalka Jabuuti gaar ahaan caasimadda dalkaasi waxaa ku dhintay ku dhawaad 20 qof oo shacab u badan iyadoo dhaawaca uu gaarayo 50 qof oo ciidamo Booliis ah ku jiraan.

Goobjoog News