Madaxweynaha Dowladda Federaalka Oo Saxiixay Sharciga Saxaafadda
Sheeko:Dalka
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2016/01/Sharciga-Saxaafadda.jpg)
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga saxaafadda Soomaaliyeed oo dhawaan meel mariyay baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Shalay oo taariikhdu ay ku beegneyd 9-ka January ayuu madaxweynaha saxiixay sharcigaan, kaasi oo la sheegay in wax badan uu soo kordhin doono.