Maamulka Banaadir oo Dadka Degan Tarabuunka u Qabtay 4 Cisho in ay uga Guuraan
Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dadka Degan Tarbuunka mudo ku dhow afar cisho halkaas ay ugu baneeyeen si dib u dhis loogu sameeyo.
Maamulka Gobolka ayaa sheegay in lagu soo koobay goobaha lagu qalo Xoolaha labo meel oo keliya oo kala ah wada jir yo Cabdicasiis halkaas oo ay ku yaalaan labo kawaan
Gudoomiye ku xigeenka Siyaasada Maamulka Gobolka Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in talaabooyinkan ay u qaadeen wax ka qabashada bilicda Gobolka Banaadir
Waxa uu xusay Maxamed Diiriye in Maamulka Gobolka Banaadir sida ugu dhaqsiyaha badan u faarujin doono Tarbuunka oo bur bur uu ka soo gaaray dagaaladii dalka ka dhacay
Goobjoog News