U bood dhigaalka

Qoysas Ka Barakacay Gobalka Bakool Oo Gaaray Degmada Luuq Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Qoysas badan oo dhawaan ka baracakay deegaanno ka mid ah gobalka Bakool ayaa gaaray degmada Luuq ee gobalka Gedo.

Dadkaan ayaa meelaha ay kasoo barakaceen waxaa ka mid ah degmooyinka Waajid, Xudur iyo tuulada Ceelboon kadib xaalad adag oo dhanka nolosha ah oo soo wajahday.

Muddo 7 maalin ah ayeey dadkani usoo socdeen degmada Luuq iyaga oo adeegsanaya gaari Dameer, waxaana ay sheegeen in deegaannada ay kasoo barakaceen ay ka jirtay nolol xumo aad u daran ayna usii dheer tahay falal amniga liddi ku ah.

Faadumo Xaaji Cabdullaahi waxay ka mid tahay qoysaskan barakaca ku gaaray degmada Luuq ee gobalka Gedo, waxay u sheegtay Goobjoog News in ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka ka jira gobalka Bakool ayna miciin bideen in ay gobalka Gedo soo aadan.

Degmada Luuq ayeey sheegtay in aad loogu soo dhaweeyay, islamarkaana shacabka halkaasi ku dhaqan ay dadkii Bakool ka tagay u gurmadeen.

Qoysaskani ka barakacay gobalka Bakool ee gaaray Gedo ayaa tiradooda ka badan tahay 10, waxaana ay qeyb ka yihiin qoysas maalmihii ugu dambeeyay ka barakacayay deegaanno ka mid ah gobalka Bakool.

Goobjoog News