U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo Go’aan ka Soo saaray Shirka Madasha Wadatashiga

Sheeko:Dalka

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaalia ayaa qaraar ay ansixiyeen waxa ay ku sheegeen in madasha wada tashiga go’aan la isku raacsan yahay oo deg deg ah ay u keenaan ama ay la hor yimaadaan Golaha Shacabka.
Xildhibaanada Barlamaanka ayaa ka digay in natiijo la’aan ay ku soo dhammaadaan kulamada madasha wada tashiga.
Go’aanada waxa barlamaanka ka hor aqriyay Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka waxaana isla markaas cod loo qaaday go’aanadaas ka soo baxay golaha shacabka meel mariyay xildhibaanada Barlamaanka.
Qodobadii ay soo jeediyeen Xildhibaanada Barlamaanka ee ku xusnaa go’aanka Barlamaanka Dowladda Federaalka Soomaalia waxa ka mid ahaa
In qodobada ka soo bixi doona shirka aysan waxba u dhimin , midmimada qaranka iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed.
In aysan keenin Xasilooni darro siyaasadeed, iyo mid amni oo dalka u horseedi karta colaad hor leh.
In la waafajiyo dastuurka , iyadoo la marayo hay’adaha dastuuriga qaranka ee ay qusayso
Warkan golaha shacabka waxa uu imaanaya xili Maamulada qaar ee dalka ka jira ay saluugsan yihiin nidaamka Dowladda Federaalka ay ku doonayso in loo wajaho doorashada oo ah 4.5

Goobjoog News