Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Soomaaliya Ay Ka Jirto Cunno Yari Baahsan
Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in ay jirto xaalad halis ah oo ku saabsan cunno yaraan iyo nafaqo darri baahsan oo ka jirta inta badan gobollada dalka gaar ahaan kuwa dhaca maamulada Puntland iyo Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.
Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha beeraha oo marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan FAO, oo kaashaneysa Hey’adda USAID ayaa tilmaameysa in xaalad adag oo dhinaca nolosha ah ay ka jirto deegaanno badan oo Soomaaliya ka tirsan gaar ahaan gobollada waqooyi.
Hey’adda FAO ayaa sheegaysa in xaaladdani ay ku timid saameynta duufaantii al-nino oo keentay in dalag iyo daaq badan ay ku baaba’aan daadadkii halkaas ku fatahay.
Arrintaasna waxay sii abuurtay in qoysas badan oo dhulalka miyiga ah ku dhaqnaa ay magaalooyinka usoo hayaamaan iyaga oo aan heysan wax hanti ah oo kaalmo iyo caawimaad uun ka sugaya maamulada iyo hey’adaha.
Sidoo kale roobabkii la filayay bilihii ugu dambeeyey oo yaraaday ama baaqday ayaa wax weyn u dhimay daaqii iyo beerashadii dhul baaxad leh oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Hey’adda ayaa sheegeysa in dad tiradooda lagu qiyaasay 4.7 milyan oo ruux ay halis ugu jiraan xaalad cunto yaraan ah iyo macluul heysata xilligan, taasoo ka dhigan in 40 boqolkiiba ay dadka Soomaaliyeed heysato dhibaato cunto yaraan ah.
Saddexdii qofba laba ka mid ah dadka ku nool xeryaha lagu barakacay ayaa la sheegay in ay cunto yaraan heysato taasoo ka dhigan in 68 boqolkiiba ay ka yihiin dadka dhibaatada cunto la tiicaya.
Wakiilka FAO ee Gudaha Soomaaliya Richard Trenchard oo shir jaraa’id u qabtay saxafiyiinta ayaa sheegay in arrintan ay u baahan tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto, ka hor inta aysan xaaladdu sii murgin oo dad badana aysan macluul u dhiman.
“Sida aad maqasheen xaaladda cunto yari iyo nafaqo darro ee soomaaliya waa mid sii kordheysa 40% dadka soomaaliyeed ayay Macluushu heysataa, xaaladda gaar ahaan ka jirta deegaanada maamulada soomaaliland iyo puntland ayaa aad usii xumaaneysa, waana meelaha ay sida xun u waxyeeleysay abaarta, waqtiga aan hadda joogno waa waqti aad u adag oo loo baahan yahay in si deg-deg ah wax looga qabto, haddii aan xilligan wax laga qabana oo aan tillaabo ficil ah la qaadin xaaladu way sii adkaan doontaa”
Wakiilka FAO ee Gudaha Soomaaliya Richard Trenchard wuxuu sidoo kale sheegay in hadda ay tahay in wax u ka qabashada xaaladdan murugsan la billaabo si dhibaatada xooggeeda looga hortago.
“Hadda ayay tahay in aanu wax qabano, waxaan u baahan nahay in wax qabashadu ay dhacdo waqti-xaadirkaan illaa bisha april oo la rajeynaayo in ay roobabka deyrta ahi bilowdaan, dadka la rabo in loo gurmado tiradoodu waxay gaareysaa 4.7 milyan oo ruux, waana boqolkiiba 40 dadka Soomaaliyeed, dadka ay tiradoodu intaas la egtahay ayaa maalin kasta u baahan cuno, oo ay xaaladdu ku adagtahay.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dhibaatada xooggeeda ay heysato dadka gudaha ku barakacay kuwaasoo lagu qiyaasay in ay tirada guud ka yihiin 68 boqolkiiba. Ayadoo xaaladda dadkaasi heysata aysan waxba iska bedelin shantii sano ee ugu dambeeyey.
“Dhibaatooyinka aan kasoo sheekeynay waxay si xooggan u heysataa dadka gudaha ku barakacay, kuwaasoo ay tiradoodu ka tahay inta kale 68% boqolkiiba maalin kasta waxay wajahayaan xaalad cuno yaraan iyo nafaqo dari, cunta yaraanta heysata darteed waxay la kulmaan in la faquuqo iyo in siyaabooyin kale loo dhibaateeyo”
Shirka jaraa’id ayaa sidoo kale lagu sheegay in 305 kun oo carruur ah oo ay da’doodu ka yartahay shanta sano ay gudaha dalka ku heysato macluul aad u daran ayadoo kala bar carruutaasi ay Qatar ugu jiraan in ay Macluusha u geeriyoodaan.
“Xaaladda Macluusha ee heysata dadka Soomaaliyeed ayaa aad u xooggan qaasatan carruurta sadex boqol iyo shan kun oo carruur ah ayay nafaqo dari dalka ku heysataa, konton iyo sideed kun iyo sadex boqol oo carruurtaasi ka mid ah waxay halis ugu jiraan in ay geeriyoodaan macluusha darteed, haddii aan hadda si dhaqsiyah wax looga qaban.
Roobabka guga ayaa la saadaalinayaa in muddo todobaad kaliya ay ka harsan yihiin, taasoo noqon karta dhibaato kale oo reer miyiga soo wajahda haddii aan hadda la sii qorsheyn habkii loo maareyn lahaa si biyahaasi looga faa’ideysto isla markaana daadadka ka dhalan doona looga gaashaanto.
Masiibadu inta aysan dhicin ayay ku wanaagsan tahay in layska maareeyo halkii lagu dadaali lahaa xalinta wixii khasaara ah ee masiibadaasi ka dhashay.
W/Q: Aweys Xaaji Nuur (Aar)
Goobjoog News