U bood dhigaalka

42 Sano Ka Dib Markii Ay Soomaaliya Ku Biirtay Jaamacadda Carabta, Maxaa Faa’iido iyo Khasaare ah

Sheeko:Dalka

42 sano ayaa la joogaa markii ay Soomaaliya ku biirtay Jaamacadda Carabta, ururkan waxaa ku mideysan dalalka Carabta, baaxadda uu ku fadhiyo dhulka carabta waxaa ka weyn oo keliya dalka Ruushka, tirada dadka carabta  waa tirada afaraad ee dunida marka laga reebo Shiinaha, Hindiya iyo midowga Yurub.

Jaamacadda Carabta waxaa la Aasaasay 22-kii Maarso 1945-tii, xarurteedu waa magaalada Qaahira ee Dalka Masar, dowladaha Xubinta ka ah waa 23 dowladood, luqadda Rasmiga waa Luqadda Carabiga.

Dowladihii joogay Shirkii ka dhacay” Alexandria” ee lagu dhisay Jaamacadda Carabta waxaa ay kala ahaayeen dalalka Masar, Ciraaq, Lebanon, Syria, Saudi Carabiya iyo dalka Jordan(Urdun).

Suudaanta Koofureed waa dalkii ugu dambeeyay ee ku biiray ururka Jaamacadda Carabta June 2011 markii ay ka go’day dalka Suudaan.

Hay’adaha Jaamacadda Carabta:

Ururka Jaamacadda Carabta waxaa ay leedahay 18 hey’adood, waxaa ka mid ah: Midowga Idacadaha Carbeed, Ururka tarbiyadda, Thaqaafada iyo Culuumta iyo Accademiyadda Carbeed ee Culuumta iyo Tiknoolojiayada iyo Badaha iyo Machadka Jaamacadda Carabta iyo ururo kale.

Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta:

Soomaaliya waxaa ay ururka Jaamacadda Carabta ku biirtay 14 February 1974-tii, iyadoo noqotay wadamada lacagaha ku bixiya ururkaas jiritaankiisa.

February 14, 1974, Soomaaliya ayaa ka mid noqotay Jaamacadda Carabta 14 sano kadib xuriyadeeda, lamana  oga sababta saxda ah ee Soomaaliya ugu biirtay Carabta iyo xitaa sababta ay 14 sano u sugtay xuriyaddii kadib.

Markii xarunta laga raray jaamacadda Qaahira 1979-kii, Soomaaliya waxaa ay taageertay Qaahira, waxaa ay ka mid noqotay 3 dal oo diiday in ay xiriirka u jaraan Masar,  isla markaana siin jiray taageero dhaqaale, waxaa kaloo ay qeyb ka qaadatay qaabkii mar kale Qaahira loogu celin lahaa xarunta jaamacadda carabta taas oo xaqiiqo noqotay 1990-kii.

Soomaaliya waxaa ay xubin ka tahay jaamacadda carabta muddo dheer, waxaa  dalkeena wakiil joogta uga ahaa ururka Jaamacadda Carabta 25-kii sano ee la soo dhaafay Safiir Cabdulahi Xasan oo November sanadkii tagay geeriyooday.

Sidoo kale waxaa jiro baarlamaannadka Carabta oo seddexdii biloodba mar lagu qabto shirkiisa magaalada Qaahira, Soomaaliya Baarlamaankaas waxaa ugu jira illaa 4 xubnood, iyadoo looga hadlo dhibaatooyinka ka taagan dunida Carabta oo Soomaaliyana ay ka mid tahay,

Markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, Jaamacadda Carabta waxay daawadeen dhibaatada dalka, marka laga reebo dadaalo hay’ado yar yar iyo shakhsiyaad ka tirsan dowladaha Carabta ah.

Burburkii Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta:

Jaamacadda Carabta waxaa ku jira dowlado awood dhaqaale leh sida Saudi Carabiya, Qatar, Imaaraadka, Kuwait, Ciraq, Algeria, Libya iyo qaar saameyn kale ku lahaa dalkan sida Masar, Yemen ama Suudaan, laakiin waxaan si fiican u baranay 25-kii sano ee dalkeena uu dhibaatada ku jiray.

Maanta waxaan si fudud isku weydiin karnaa, Maxaan ka faa’iidnay ururka Jaamacadda Carabta, ma jiraan dhaliilo iyo wax aan ka tabaneyno.

Hadaba Dalkeena Soomaaliya Muxuu  ka faa’iidey Jaamacadda Carabta?

Xulufeysi: Soomaaliya waxaa ay ku dhex jirtaa urur ka kooban 23 dal, waa laandheeri iyo xulufeysi weyn, arrintaas

Dib U Heshiisiin: Dalka Masar ayaa si iskeed ah Kooxaha Soomaalida shir u qabatay 1997-dii, Waxaa kaloo jirtay in Yemen ay dhex dhexaadisay Shakhsiyaad Soomaaliyeed sanadihii dagaalada Sokeeye.

Waxbarashada: Dalal waxaa jira ardeyda Soomaalida ka caawiyay dhanka waxbarashada sida Suudaan, Masar, Yemen, waxaa kaloo jira waddamo kale oo siiyay safaaradaha halkaas jooga.

Gargaarka: Waxaa dagaaladii sokeeye kadib dalka joogay hey’ado carbeed sida: hey’adda bisha cas ee imaaraadka, African Muslim Agency ee Kuwait, Raabidada Caalamaka Islaamka ee Xarameynka, ururka Dacwada Islaamka ee Suudaan.

Kabid Miisaaniyad: Dalalka Carabta waxaa ay labo Milyan oo Doolar siiyeen dowladdii Cabdulahi Yusuf, taasi oo dowladdaas lagu taageeray.

Dowladdii Sheekh Sharif: Waxaa jirtay shir ka dhacay Doxa ee dalka Qatar in dalalka carabka ku heshiiyeen isla markaana ay ballanqaadeen in dal weliba uu 10 Milyan bixiyo si loo kabo miisaaniyadda iyagoo ku heshiiyay in bishiiba ay hal dowlad bixiso, lacagtaas waxaa bixiyay oo keliya dalka Algeria.

Xasan Sheekh: waxaa uu xiriir fiican la leeyahay Imaaraadka iyo Sacuudiga, lama hubo lacagta ay dowladda Xasan ka heshay Carabta, waxaa ugu dambeysay 50 Milyan oo Sacuudiga siiyey Soomaaliya markii ay xiriirka u jareen Iran.

Dhaliilaha Jaamacadda Carabta:

Dagaaladii Sokeeye waxaa ku dhintay dad aad u tiro badan halka ay ku barakaceen in 3.3 milyan oo Soomaali ah, Carabta marka laga reebo dalka Yemen xitaa wax soo dhaweyn ah uma sameyn dadkaas.

In Carabta ay doonayaan in dalkeena uu noqoto dal aan cod laheyn oo lagu cod badsado, waxaa arrintaas daliil u ahayd xiriirka Soomaaliya ay u jartay Iran markii ay sidaa codsatay Sacuudiga, in kastoo arrintaas uu meesha ka saaray mar aan la hadlay wasiirka arrimaha dibadda Hadliye.

Mas’uul ku jiray wasaaradda arrimaha diinta iyo Awqaafta ee xilligii dowladdii Maxamed Siyaad iyo mutarjimka gaarka ah ee madaxweyne Siyaad waxaa ay labada ii xaqiijiyeen in Sacuudiga ay Maxamed Siyaad marar badan kala hadleen in uu xiriirka u jaro Ruushka, kana fogaado waxa loo yaqaano Hanti-Wadaagga….taas oo markii dambe keentay in Soomaaliya aado siyaasadaha galbeedka.

Dagaalkii aan xabashida la galnay 77 ee xoreynta Soomaali Galbeed, dalalka Libya iyo Yemen waxaa ay qeyb ka ahaayeen Warso oo dhulkooda ayey naga soo weerareen cadawga Soviet-ka.

Hey’adaha Carabta ee dalka joogay xilligii dagaalada sokeeye ma lahayn lacag ama qorshe u dhigma hey’adaha qaramada midoobey iyo kuwa Yurub ka yimid.

Ciidamada Carabta marka laga reebo howl-galkii UNOSOM II ee 1992-dii, waxaa ay Soomaaliya ku sii daayeen Afrikaan iyo waddamo ay Soomaaliya wax badan ka tabaneyso sida Itoobiya iyo Kenya.

W/D: Cabdi Casis Axmed Gurbiye

Goobjoog News