Askar Ka Wada Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Isku Rasaaseeyay Wadada Makka Al-mukarrama Ee Muqdisho
Seddax qof ayaa ku dhaawacantay israsaaseyn dhexmartay Ciidamo ilaale u ahaa gaari qufulan iyo ciidamadda dowladda ee baaritanka ka haaye Isgoyska Dabka ee Wadada Maka Al-Mukarrama magaalada Muqdisho .
Ciidamada ilaaladda u ahayd Gaarigaas ayaa ku ridday rasaas gaari saarif ah oo ay la socdeen Laba Nin oo xiran dharka Booliiska kuwaas oo fogaan yar u jirsaday gaariga ay ciidamadaasi ilaalinayeen .
Mar Labaad oo ay u baaciyeen in ay rasaas ku ridaan ayaa waxa taasi ay dhalisay in ciidamadda Dowladda ee halkaasi ku sugnaa rasaaseeyaan ciidamada kale taas oo ku dhowaad daqiiqad qaadatay .
Dadka dhaawacmay ayaa ahaa dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa , xilliga israsaaseyntu dhacaysayna waxa ay wadadaasi ahayd mid mashquul ah .
Mar qura ayey dadkii halkaasi joogay ku kala carareen, goobtuna isku badashay meel dagaal ah.
Ma jirin khasaare soo gaaray ciidamadii Labadda dhinac , sidoo kale lama arag dhimasho ka dhalatay israsaaseyntaasi.
Goobjoog News