U bood dhigaalka

Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Ku Xayiran Garoonka Jomo Kenyatta Ee Nairobi

Sheeko:Dalka

Waxaa sii kordhaya dhibaatooyinka ay muwaadiniinta Soomaaliyeed kala kulmaan garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi xilliga ay halkaasi ku safrayaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalaxa oo garoonkaasi Transit ku ahaa ayaa lasoo xiriiray Goobjoog News waxaana uu sheegay in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay ku jiraan haween ay ku xayiran yihiin muddo 10 cisho ah garoonkaasi, kuwaa oo kusii jeeday dalka Sudan.

Waxa uu sheegay in dhallinyaradaasi loo sheegay in Baasaboorka ay wataan aanu sharci ahayn, sidaa darteedna ay halkaasi ku dhibban yihiin.

“Goobjoog waxaan idiinla soo xiriiray annaga oo transit ku ah garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi ayaa waxaa nagu soo xoomay dhallinyaro Soomaaliyeed oo Haween ay ku jiraan, waxay inoo sheegeen in 10 cisho halkaasi lagu haysto, waxay sheegeen in aanay jirin cid wax u qabatay, loona sheegay in dal ku galkooda aanu sharci ahayn, xaqiiqdii wejiyadooda markii aad aragto dadkaasi waxaad ka dareemaysaa dhibaato xooggan, annaga dadaal badan baan sameynay laakiinse waa ay inoo suurta geli weysay” ayuu yiri xildhibaanka.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa badi dhibaato kala kulmay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta xilli markii horeba aanay diyaaradda dalka ka qaadda toos u geyneyn magaalada Nairobi.

Goobjoog News