Dhibaatada Biyo La’aanta Webiga Shabeelle Uu Ku Hayo Hiiraan iyo Labada Shabeelle (Sawirro)

Biyo La’aan iyo abaaro ba’an ayaa ka jira gobollo badan oo Soomaaliya ah laakiin waxyeellada ugu badan waxaa ay soo gaartay malaayiin ku tiirsaneyd Webiga Shabeelle.
Webiga Shabeelle, waxaa uu midabkiisa is bedelay markii uu soo gaaray Hiiraan, waxaa uu war u ekaaday markii uu yimid Shabeellada dhexe balse wuxuu guray markii uu afka soo geliyay Shabeellada hoose.
Goobjoog News ayaa arrintaas ku sameysay baaritaan, koox ka tirsan weriyeyaasheena ayaa sawirro ka soo sameeyay is bedel-ka webiga ee seddexda gobol ee uu maro sida Hiiraan, Shabeelle dhexe iyo Shabeellada hoose, innagoo la hadalnay beeraley iyo xoolo dhaqato ku tiirsanaa Webiga sanado aad u badan.
Gobolka Hiiraan:
Webiga Shabeelle waxaa uu Soomaaliya ka soo galayaa Hiiraan, waxaa uu maraa Baladweyne, Buulo Barde iyo Jalalaqsi iyo tuulooyin badan, Hiiraan dhankeeda webiga ma gurin, laakiin waxaa is bedelay midabkiisa iyo dhedhenka, waxaa intaa dheer xitaa waxaa is bedelay ceelasha magaalooyinka.
Magaalo Madaxda gobolka ee Baladweyn waxaa biyo looga keenaa Ceel-Gaal oo 15 KM u jira magaalada, dhibaato intaa ka badan waxaa ay heysaa magaalooyinka kale.
Saameynta ugu badan wuxuu ku yeeshay Beeraley iyo Xoolo Dhaqatada, kuwaas oo si weyn ugu tiirsanaa biyaha Webiga Shabeelle.
Khaalid Muxumed Cusmaan oo Goobjoog News uga soo warama Hiiraan waxaa uu sheegayaa in laga cabsi qabo cudurro ay ka mid yihiin Shubanka, kor u cun cunka.
Dadka Hiiraan waxaa ay ka sheeganayaan nadaafad darro xagga bey’ada ah oo halkaas ka jirto iyo hay’adaha oo arrintaan aanan xil iska saarin.
Buulo Barde waxaa biyo la’aanta u dheer, waxaa xiran jidadka gala muddo 2 sano ah halka Jalalaqsi la sheegayo in ay carruur 7 gaaraya u dhinteen cudurka shuban biyoodka.
Mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan waxaa ay sheegayaan in aanay dhibaatadan biyo la’aanta ah arkin muddo 40 sano ah.
Gobolka Shabeellada Dhexe:
Dhibaatada biyo la’aanta webi Shabeelle waxaa ay sidoo kale saameysay gobolka Shabeellada dhexe oo dadkii inta badan ku tiirsan yihiin biyaha Shabeelle.
Waxaa dhibaato ba’an laga sheegayaa tuulooyinka Maandheere, Bacaadley iyo Deymo Same, deegaannadaas waxaa saameyn ku yeeshay biyo la’aanta.
Aweys Xasan Aden oo ah guddoomiyaha tuulada Maandheere ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in biyaha webiga is bedeleen, isagoo intaa raaciyay in dadka ay cabaan biyo ceel oo dhanaan ah.
Surane Axmed Shabeelow, Guddoomiyaha tuulada deymo same, waxaa uu sheegay in tuuladiisa ugu yaraan 2 carruur ah ugu dhinteen biyo la’aanta.
Tuulada Bacaadley iyada waxaa ku nool in ka badan 575 oo qoys, guddoomiyaha tuulada oo Goobjoog New la hadlay waxaa uu sheegay in ay jiraan dad u dhintay cudurro ka dhashay biyo la’aanta.
Waxaa jiro shirkadda Farjano ee Jowhar oo biyo gelisay ilaa 4 xaafadood, laakiin dadka ku nool tuulooyinka ma helaan biyo macaan haddii aaney qodon ceel.
Xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ayaa dhibaato ka sheeganaya, dadkaasi waxaa ay Goobjoog u sheegeen in ay ku dhib qabaan webiga mar uu fataho iyo mar uu guro.
Aden Xuseen Da’ud oo Goobjoog News halkaas uga soo warama waxaa uu sheegayaa in degmada Jowhar ay hoostagaan ilaa 40 tuulo, dhibaatadana ay saameysay dhamaan tuulooyinkaas.
Gobolka Shabeellada Hoose:
Labadii todobaad ee ugu dambeysay dadka ku dhaqan Shabeellada Hoose biyo webi ma arag, waxaa gebi ahaanba guray ama qalalay biyaha webiga shabeelle oo ay ku tiirsanayeen Kumanaan beraley iyo xoolo dhaqato ah oo degenaa Shabeellada dhexe, arrintaas oo keentay in dalagyo badan ay baaba’aan.
Mustaf Xaaji Cali, oo 55 Jir ah, waxaa uu beeraley ahaa 35-kii Sano ee ugu dambeeyay, Cali waxaa uu Goobjoog News u sheegay xanuunka uu ku hayo webiga oo guray ama qalalay.
“Dalagii ii beernaa badankii Waaa uu baaba,ay Sababo biya la,aan naga soo Wajahday dhanka Webiga Shabeelle ”
Mustaf Xaaji Cali Waxa uu xusay in aanu wax raja ah ka qabin inuu u soo go,o dalaga hada u beeran oo ah qudaarta nuucyadeeda kala duwan.
Xaaji Cali waxaa uu ku dooday in dhibaatadan oo kale aanay dhicin muddo ka badan Soddon Sano.
Cabaas Maxmed Nuur waxa uu ka yar yahay da,da 30 jirka, waa beraley tacba ama beerta qudaarta una iibgeeya Magaalada Muqdisho, waxa uu Goobjoog News u sheegay in uu qarash badan ka galay beertiisa rajana uusan ka qabin in mar kale uu dib u helo ,hadii Webiga shabeelle uusan mar kale biyo keenin.
Yuusuf Muumin Cali ,Waxa uu nolasha qoyskiisa Ku dabaraa lacagaha Ka soo gala dalaga uu beero oo u badan galeyda iyo dalagyo kale, waxaa uu Goobjoog News u sheegay in Sanadkaan uu yahay midkii Ugu darnaa ee soo mara.
Maxamed Cabdi Xasan (Afgoye) oo Goobjoog News uga soo warama Shabeellada hoose, waxaa uu ku dhashay Afgooye, waxaa uu sheegay in aanu noloshiisa arag webiga shabeelle oo sidan u guray.
Seddexdan gobol, waa gobollada ugu wax soo saarka badan dalka, dhibaatada biyo la’aanta Webi Shabeelle waxaa ay saameysay malaayiin gobolladaas ku dhaqan, waxaa laga cabsi qabaa in dhibaatada intaa ka sii badato haddii jilaalka sii daba dheeraado.
W/D: Cabdi Casis Axmed Gurbiye, Goobjoog News,