U bood dhigaalka

Xildhibaan Ka Tirsan Galmudug Oo Sheegay In Maamulkooda Ku Xadgudbay Xuduudda Itoobiya

Sheeko:War

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa tilmaamay in Galmudug iyadu ay ahayd tan ku xad gudubtay xuduudda Itoobiya dhibaatadii dhacdayna ay ka timid gaabis dhanka Galmudug ah.

Xildhibaanka oo aan wareysi kala yeelanay heshiiskii dhawaan magaalada Jigjiga ku dhex maray Dowaldda Itoobiya iyo Galmudug ayaa sheegay inuu heshiiska guud ahaan soo dhaweynayo:

“Heshiiskaas waxaan u arkaa guud ahaan in heshiis dhex maro Itoobiya iyo Galmudug inuu ahaa wax aad iyo aad muhiim u ah u wanaagsan Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Dowladda Itoobiya ay dan weyn ugu jirtay, ayaan guud ahaan u arkayay”.

Waxa uu xildhibaanku xusay inuu muddo badan waliba dhibaatada ka hor inuu u ololeeyay in heshiis lala yeesho Itoobiya:

“Heshiiskaa  anigu aan u arkayay in badan aan shakhsiyan ama xukuumadda ha noqoto ama baarlamaanka ha noqoto ama goobo kale ha noqoto oo gaargaar la iskugu arkay, in badan aan fakarkeyga ku cabirayay oo ahayd, Itoobiya iyo saameynta ay ku leedahay Soomaaliya in ay habboon tahay in Galmudug inta ay goori goor tahay in heshiiskaa isaga ah la raadiyo, laakiin gaabis ku yimid siyaasaddii iyo hagitaankii siyaasadeed ee dowlad goboleedka Galmudug, waxa uu kalifay inuu heshiiskaa dib u dhaco, taas ayaana ah midda kaliftay maanta oo khasaare badani ay dhaceen oo dhibaato ay timid in heshiiskii uu yimaaddo”.

“Maadaama aan dad daris ah aan nahay oo maanta dowlad dhisan oo xoog leh saameyn leh Itoobiya ay tahay, dadkana aad sameyn ugu leh, waxay ahayd Galmudug marka ay dhisantay inay raadiso heshiiska Itoobiya inay dariiq sax ah ku raadiso ayay ahayd, taas way ka gaabsatay, waxaanan u haystay anigu si kastaba ha ahaatee, waxa dhacay oo dhan inuu gaabiskii heshiiskaa ka dhashay”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay wali heshiiska ka maqan yihiin wax yaabo badan oo muhiim ah oo ay ka mid tahay cidda xadgudubka xuduudka sameysay:

“In xadgudubka xuduudeed ay Galmudug sameysay taas oo ka dhalatay in wasiirro Galmudug ah ay tageen deegaan aysan gacan ku hayntiisa dowlad goboleedka Galmudug aysan lahayn, markaana ay Astaamihii Galmudug ka muujiyeen, taasina ay tahay midda soo dedejisay caradii qarsooneyd ee Itoobiya heshiis la’aantana ay ka qabeen oo jawaab degdeg ah ay ka bixiso, dhibaataduna ay ka dhalatay”.

Ugu dambeyn, Dowladda Itoobiya iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya 3.05.2016, kaas oo lagu soo afjaray dagaallo uu dhiig badani ku daatay oo u dhexeeyay labadan dhinac.

Goobjoog News