U bood dhigaalka

Agaasimaha Goobjoog Oo Dib u Helay Xurriyaddiisa

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhaw dib u helay xurriyadiisa agaasimaha guud ee Goobjoog Xasan Maxamuud oo saacado u xirnaa hay’adda dambi baarits ee CID.

Agaasime Xasan ayaa tagay CID xarunteeda magaalada Muqdisho kadib markii warqad la keenay lagu amray in maamulka Goobjoog tagaan halkaasi.

Xarigga agaasimaha ayaa ka dambeeyay kadib markii Goobjoog ay wareysatay xildhibaan ka tirsan Galmudug oo CID ku xiran.

Xaaladda caafimaad ee agaasimaha waa mid aad u wanaagsan marka laga reebo xurriyaddiisa oo saacado ka maqneyd.

Goobjoog waxay u mahadcelinaysaa cid walbo oo kaalin ka qaadatay in Agaasime Xasan uu dib u helo xurriyadiisa.

Goobjoog News

Mar Walba u Daacad Ah Dadweynaha