U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukuntay Dad Ku Eedeysan Qaraxii Diyaaradda Daallo (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta oo Isniin ah xukun ku ridday dadkii ku eedeysnaa qaraxii ka dhex dhacay diyaaradda Daallo xilli ay kusii jeedday dalka Jabuuti 2-dii February 2016.

Guddoomiyaha maxkamadda Darajada 1-aad ee maxkamadda ciidanka qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay maxkamadda, iyadoo dadka la xukumay ay ku jiro shaqsi maqane ah.

Sida loo kala xukumay:-

Cabdiweli Maxamed Macow iyo Careys Xaaji Cabdi waxay maxkamadda ciidamada qalabka sida ku xukuntay Xabsi Daa’in.

Dadka kale ah Abshir Maxamed Macalin, Safiyo C/laahi Xasan waxaa lagu xukumay 4 sano oo xabsi ciidan ah.

Liibaan Maxamed Yalaxow, Cumar Muxudiin Xuseen  iyo Maxamed Cabdi Cilmi waxay maxkamaddu ku xukuntay min Hal sano oo xabsi ciidan ah.

Sidoo kale maxkamadda min Lix Bil oo Xabsi ah ku xukuntay dadka kala ah Bashiir C/laahi Afrax, Cali Nuur Salaad Diiriye Adan Daahir Diiriye.

Maxkamadda ayaa sidoo kale fasaxday 5 qof oo la sheegay in dambi lagu waayey kuwaasi oo kala ah Cumar Macalin Calasow, Cali Maxamuud C/raxmaan, C/laahi C/qaadir Abuukar, Ismaaciil Maxamed Xirse iyo Faarax Khaliif Cali Maxamed.

08 07 05 04 03 02 01

Goobjoog News