GAAR AH: Taariikh Nololeedka Xildhibaannada Cabdulahi Jaamac Iyo Maxamud Maxamed Guure

Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda si khaas ah ugu soo gudbineysaa Taariikh Nololeedka Labada Xildhibaan ee kala ah Cabdulahi Jaamac iyo Maxamud Maxamed Guure.
Xildhibaannada oo Arbacadii ku geeriyooday weerarkii ismiidaanta ahaa ee Hotel Ambasaddor ayaa maanta lagu wadaa in aas qaran loogu sameeyo magaalada Muqdisho.
Taariikh Nololeedka Xildhibaan Cabdulahi Jaamac
Waxaa uu dhashay 1955, Gobollada dhexe ee dalka
Waxbarashadiisa waxaa uu ka bilaabay Colleg-ka Booliiska dalka, markii uu dugsi dhexe gaaray waxaa uu ku biiray Booliiska Soomaaliya isagoo sii aaday Kuliyadda General Kaahiye
1976: Waxaa uu dhaqaalaha ka dhameeyay Jaamacadda Lafoole, isagoo markaas kadib ka shaqeeyay Wasaaradda Warshadaha iyo Ganacsiga ee Soomaaliya.
Dalalka Talyaaniga, Ingiriiska, Belgium-ka iyo Hollanad ayaa safari aqoon kororsi iyo siminaarro ah ku tagay, isagoo ka mid ahaa dadka ugu aqoonta badan shaqadiisa.
Waxaa uu ka tirsanaa Madaxda wakaaladda Harkaha Soomaaliyeed iyo Mareeyaha Warshadda KM7 ee dabarka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ku taallo.
Dagaalladii Sokeeye kadib waxaa uu tagay dalka Ingiriiska, isagoo halkaas ka sameeyay Waxbarasho sare, dalkana dib ugu soo laabtay.
1990-kii kadib waxaa uu ka qeyb qaatay inta badan shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka dhacay gudaha iyo dibadda.
Waxaa uu ka mid ahaa dadkii aasaasay Maamulkii hore ee Galmudug isagoo ka noqday Wasiirka Maaliyadda ee Galmudug.
2012-2016: Waxaa uu ka mid ahaa dadka ugu muhiimsan Xildhibaannda Federaaalka
Marxuumka waxaa uu ifka uga tagay 2 Xaas iyo caruur 10 badan.
Taariikh Nololeedka Xildhibaan Maxamud Maxamed Guure
Proff: Maxamuud Maxamed Guure waxaa uu Ku dhashay Baladweyn 1957
Dugsiga Hoose: Baladweyn
Dugsiga Dhexe: Axmed Guray
1978: Sare: Dugsiga sare ee Beeraha Afgooye
1975: Jaamacadda Missouri, Dhaqaalaha Beeraha
1988: Master: Dhaqaalaha Beeraha
Shaqo:
1988-89: Maareeyaha Arrimaha farsamada ee Mashruuca fidinta Beeraha ee la dhihi jiray AFNET.
1989-1994: FOA, Dalka Cumaan ayuu ka shaqeyn jiray
1999-2001: UNDP, Program Manager, Dalka Yemen
2006-2012: Community Devolpment, Chairperson hey’adda Concern Group.
2012: Xildhibaan ka tirsan federaalka.
Wargelin: Taariikhda Labadan Xildhibaan Lama xigan karo iyaddoo aan Ogolaashiyo laga heysan Goobjoog News
Goobjoog News