Baarlamaanka Federaalka Oo Wax Ka Bedal Ku Sameeyay Qodobbo Ka Mid Ah Dastuurka

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa wax ka bedelay Labo qodob oo dastuuri ah.
Labada qodob ee wax laga bedelay ayaa kala ah ; qodobka 136-aad, faqradiisa 2aad waxaanuu qodobkani farayaa in inta lagu guda jiro mudada xilhaynta baarlamaanka 9-aad in la dhameystiro dib u eegista dastuurka iyo afti qaran in la qaado, iyadoo dib loogu dhigay in baarlamaanka 10-aad ay shaqadaa qabtaan maadaama aaney hadda suurtogaleyn.
Qodobka kale ee wax ka badalka lagu sameeyay ayaa ah qodobka 60-aad faqradiisa 1-aad oo ka hadlaya mudada xilhaynta baarlamaanka 9-aad oo 4-sano ah, laakiin hadda waxaa laga dhigay in mudada xilhayntu ku eegtahay illaa inta lagu dhawaaqayo baaralmaanka 10-aad.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News