U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Ka Bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub

Sheeko:Dalka

Shacabka Ingiriiska ayaa khamiistii u codeeyay 52% in ay ka baxaan midowga Yurub, natiijada marka ay soo baxday qaaradda Yurub ayaa gilgilatay, David Cameron waa is casilay, seyladaha dalkaas hoos u dhac ayaa ku yimid, Scotland waxaa ay sheegtay in ka bixitaanka midowga Yurub aanu aheyn rabitaanka shacabka dalkaas.

Isbadal Maamul:

David Cameron  ra’isul wasaaraha Ingiriiska isagaa ayaa keenay qorshaha aftida, waa ninka horkacayey in ay midowga Yurub lagu sameeyo hagaajin iyo islaax, maanta waxaa ku dhacday dharbaaxo taariikhi ah, tilaabadaas qar iska tuurka ah waxaa uu sidoo kale ku waayey shaqadiisa.

Burburka UK:

Aftidan waxaa ay sidoo kale ka dhacday 4 goobood oo ka baxsan Ingiriiska, waxaa laga yaabaa dalalkaas in aanay ku qancin natiijada London, waxaa hadlay Scotland oo sheegtay in ka bixitaanka midowga Yurub aanu aheyn rabitaanka shacabka dalkaas, waxaa laga cabsi qabaa in natiijada aftida ay saameyso ama ay keento in ay kala go’do UK.

Dhaqaalaha Ingiriiska:

Jimcihii dhaqaalaha Ingiriiska uma aheyn maalin wanaagsan, waxaa hoos u dhacay lacagta Geniga, qaa qiimo dhacii ugu xumaa muddo 30 sano ah, waxaa kaloo jirta in Uk ay haatan ku jirto heshiisyo ganacsi kuwaas oo dhamaantood ay ka dhalantoodo khasaare badan, waxaa Uk lagala laaban doono heshiisyada u ogolaanaya in ay ku ganacsadaan suuqyada Yurub, dadka dhaqaalaha falanqeeya waxaa ay sheegayaan in saameynta ay gaari doonto 3.8 ilaa  7.5 sanadka 2030-ka, waxaa kaloo hoos u dhac ku yimid dhaqaalaha Yurub, weliba kii ugu xumaa ilaa 2008dii.

Article 50:

Waddamada Yurub waxaa ay walaac ka qabaan Article 50 oo ku saabsan arrimaha ka bixitaanka iyo sida loo hirgelin doono, waayo xeerkan waa haddii dal uu baxo modowga wixii laga yeeli lahaa, Ingiriiskana waa dalkii ugu horeeyay ee ka baxa midowga Yurub, UK labo sano ayey ku qaadan doontaa in ay ka baxdo midowga Yurub.

Wadamada Yurub ayaa ka cabsi qaba in dalalka kale oo Yurub ah ay ku deydaan tilaabada Ingiriiska oo iyagana ay isaga baxaan midowga qaaradda Yurub.

Si arrintaas looga hortago, maanta waxaa kulmaya wasiirrada arrimaha dibadda ee France, Germany, the Netherlands, Luxembourg, Italy iyo Belgium-ka, ragga ayaan ka tashan doona dhibaatooyinka ka dhashay ka bixitaanka Ingiriiska ee Yurub.

Waxaa kaloo isniinta kulmi doona Madaxda Jarmalka, Faransiiska iyo Talyaaniga iyagoo magaalada Berlin uga wada hadli doona wixii la yeeli lahaa.

Isu socodka:

Dhibaatada ugu badan ee dadka caadiga ah ay ka sheeganayaan waa isu socodka qaaradda Yurub, dalal badan oo horay isu socodka u fududaa ayaa adkaanaya sida dalka Faransiiska, arrintaas oo horseedi doonta dhibaato kale oo Yurub dhexdeeda ah, Soomaalida Yurub ayey weyn u saameyn doontaa arrinkan.

Beesha Caalamka:

Madaxda caalamka sida  Obama, Jarmalka Merkel  iyo madaxweynaha shiinaha  Xi Jinping, waxaa ay taageerayeen in Ingiriiska ku sii jiro Yurub, waxaa arrinkaas ku taageersanaa NATO, wadamada loo yaqaano  Commonwealth governments.

Kulanka Arbacada:

Brussels waxaa ku kulmaya madaxda 27 dal oo ku haray midowga Yurub, kulankaas kama qeybgeli doono ra’isul wasaaraha Ingiriiska, waa go’doomin lagu bilaabay dalka Ingiriiska.

Goobjoog News