U bood dhigaalka

Wasiir Hore C/xakiin Xaaji Fiqi “Soomaaliya Waxay Kusii Socotaa Ceel Aad u Dheer”

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee wasaaradda gaashandhigga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda ku sugan tahay marxalad adag loona baahan yahay in la helo hoggaan caddaalad ah oo ka samata bixiya heerka hadda uu taagan yahay Soomaaliya.

Fiqi ayaa sheegay in 56-sano kadib xornimada Soomaaliya ay maanta u baahan tahay in mar kale dib loo unko qarannimadii Soomaaliya.

Sidoo kale Mr Fiqi ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay qabyaaladda iyo kala qeybsanaanta u horseedi karto mugdi uu galo dalka, taasina looga gudbi karo midnimo Soomaaliyeed.

“Halgankii laga sheekeeyay ee SYL, 13-kii dhallinyaro ay soo mareen maanta ayeey u baahan tahay in dib loo billaabo, Soomaaliya maanta meesha ugu qatarsan ayeey maraysaa runtii, waad maqasheen hadda sida looga sheekeeyay kala qeybsanaan, xuduudda la isku sameeyo, qabaa’il madaxweynayaal loo sameeyo, runtii Soomaaliya ceel bay kusii socotaa, inaan ka badbaadinno ayaa la rabaa, waa in dadkeena u istaagaan badbaadintaasi, haddii aanu dadkeenna u istaagin lama arki doono caruurteenna dhul ay ku faanaan, aanu ka wada shaqeynno qarannimadeenna iyo dowladnimadeenna, aan iska dhaafno hamiga siyaasadeed ee loo marayo waxyaabaha aan damiirta lahayn” ayuu yiri Wasiir Hore C/xakiin Xaaji Fiqi.

Soomaaliya waxaa la filayaa in sanadkan 2016 ay ka dhacdo doorasho dadban, shacabka Soomaaliyeedna waxay ka dhowr sugayaan doorashadan soo socta iyo isbedallada la filan karo.

Goobjoog News