Saraakiil Kenyaan Ah Oo Lagu Weeraray Lamu, Kenya
Sheeko:Dalka

Sarkaal ka tirsan booliiska Kenya iyo shaqaale ka tirsan National Youth Service ayaa lagu dhaawacay Lamu kadib weerar ay u geysteen dad looga shakiyay Al-shabaab.
Sida uu sheegay Lamu County Commissioner-ka Joseph Kanyiri, Bam lagu sameeyay guryaha ayaa lagu tuuray saraakiisha, iyadoo dhaawac u geysatay.
Qaraxa ayaa dhacaya todobaad kadib markii ciidamo ka tirsan waaxda difaaca dalkaasi ka badbaadeen markii qarax lala eegtay.
Alshabaab ayaa weerar inta badan u geysata askar Kenyaanka ag labadii sano ee ugu dambeysay, Lamu waa meelaha ugu badan ee weeraradaas ay ka geystaan.
Goobjoog News