Liiska Mas’uuliyiinta Xisbiga Jamhuuriga Ee Aanan Taageeri Doonin Trump

Donald Trump waxaa uu afkiisa ku waayey saaxiibo badan oo ay isku xisbi yihiin, ninkan siyaasadihiisa qaldan waxaa ka mid ah in aanu xulufo ku lahayn xisbiga jamhuuriga dhexdiisa, madaxda ugu sareysa xisbiga ayaa diidan.
Afhayeenka Aqalka hoose Paul Ryan ayaa ka mid ah dadka diiday taageerada ninka doorashada soo socota u tartamaya Jamhuuriyiinta, taa bedelkeeda Trump waxaa uu diiday in ninkan uu mar kale isku soo taago madaxnimada Congers-ka, Lama oga waxa iska bedeli doona maalmaha soo socda.
Labo Buush, George H.W. Bush iyo George W. Bush oo labada horay madaxweynayaal uga soo noqday dalka Mareykanka kuna qanacsanaa Trump, waxaa kaloo diiday ninkan Jeb Bush oo horay u ahaa duqa magaalada florida.
South Carolina Senetor-ka socda Lindsey Graham waxaa uu aad u dhaliilaa siyaasadaha Trump, waxaa uu ka mid yahay dadka diidan Jamhuuriga.
Mitt Romney oo horay murashax u ahaa isna waa nin si weyn u dhaliilsan afkaarta iyo sida uu siyaasadda u arko Trump.
Nebraska Sen. Ben Sasse ayaa ka mid ah dadka sheegay Mareykanka u qalmo in ay doortaan madaxweyne shaqadiisa tahay daryeelka dadka Mareykanka.
Christine Todd Whitman oo horay madax uga noqotay New Jersey iyadaga waxaa ay sheegtay in aaney taageeri doonin Trump oo ay u codeyn doonto Clinton.
Tom Ridge oo horay u soo noqday Govenor-ka Pennsylvania ayaa diiday in uu taageero ninka ay isku xisbiga yihiin ee Trump.
Mel Martinez oo horay Senator uga noqday Florida, madaxna ka ahaa RNC ayaa diiday in uu taageero Trump.
Sen. Marco Rubio ayaa ka mid ah dadka diiday Trump iyo siyaasadiisa, lama oga in ay wax iska bedelaan iyo in kale.
Meg Whitman oo ah haweeney lacago ku bixisa doorashada ayaa sheegtay in aaney taageeri doonin Trump bal ay asxaabteeda xisbiga Jamhuuriga ka codsan doonto in ay taageeraan Clinton.