U bood dhigaalka

Ciidamada Kumaandoosta Ee Dowladda Federaalka Oo La Wareegay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Kumaandoosta sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay la wareegeen garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee C/laahi Yuusuf.

Wariyaheena Cali Cayn oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegay in ciidankaan ay gabi ahaanba gacanta ku hayaan garoonkaasi oo maanta wax duulimaad ah ka jirin, iyadoo illaa xalay halkaasi lagu daabulayey.

Ciidamadan ayaa tiro ahaan la sheegay inay ka badan yihiin 200, lamana oga sababta ka dambeysa in halkaasi ay la wareegaan.

Duulimaadka garoonka C/laahi Yuusuf ee Gaalkacyo waxa uu maalmihii ugu dambeeyay ahaa mid aan sidii loogu talo galay u shaqeyn, xilli uu jiray khilaafka garoonkaasi ee maamullada Puntland iyo Galmudug.

Taliska ciidanka xoogga dalka weli wax faah faahin ah kama aanu bixin sababta ciidankaan ula wareegeen garoonkaasi.

Ciidamada Danab ayaa horay howlgallo qorsheysan iyaga oo kaashanaya ciidamo Maraykan ah waxay uga fuliyeen deegaanno Al-shabaab kaga sugan yihiin gobollada dalka qaarkood.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News