Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud oo ka tirsan aqadlka sare ee baarlamaanka Somaliland ‘Guurtida’ ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ugu baaqay in go’aanka laga sugaayo ka qaato saami siinta kuraasta wakiilada ee beelaha Somaliland, in uu beelaha Gabooye ugu daro tiro kuraas ah oo ay ku qancin karaan .
Xildhibaankan oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in haddii ay beelaha Gabooye kuraas u qalanta ay ku yeeshaan golaha ay horseedi karto cadaaladda Somaliland oo kor u kacda siina wanaagsanaata; “ Madaxweyne adiga ayey manta ku hor taallaa taladii aad ka qaadan lahayd inaad qanciso beelaha aad madaxweynaha u tahay , Gabooyuhu waxa ay kaa filanaynaa iney kaa helaan war farxad leh”
Xildhibaan Jirde waxa uu sheegay in golaha wakiilada oo ay ka maqnaadaan amaba ay tiro yar ku yeeshaan beelaha Gabooye oo iskugu jira qabaa’illo kale duwan ay taaban karto horumarka Somaliland ee dhinaca siyaasadda.





From the comments