Safiirka Mareykanka Oo Warqadaha Aqoonsiga U Gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya
Sheeko:Dalka
Safiirka cusub ee Mareykanka u magacaabeen Soomaaliya Stephen M. Schwartz ayaa maanta warqadisii safiirnnimo u gudbiyay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Abdisalam Omar Hadliye ka hor inta aanu u gudbin madaxweynaha.
Ambassador Schwartz waxaa uu noqonayaa safiirkii ugu horeeyay ee Mareykanka 20 sano kadib u soo magacaabaan Soomaaliya, waxaa uu balan-qaaday in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal.
Safiirka oo hadal kooban ka jeediyay halkaas waxa auu intaa raaciyay in uu Soomaaliya kala shaqeyn doono dhismaha hey’ado dowli ah iyo sidii dalka looga hirgelin lahaa isla xisaabtan iyo maamul wanaag.
Goobjoog News.