Burcad Badeed Lagu Xukumay Jaziiradda Mauritius
Sheeko:Dalka

Jaziiradda Mauritius, waxaa khamiistii min 5 sano lagu xukumay 12 burcad badeed Soomaali ah kadib ay horay u weerareen markab marayey badweynha Hindiya.
Ragga waxaa ay weerar ku qaadeen MSC Jasmine oo uu ka dulbabanayey calanka Panama January 2013, waxaana markii la qabtay loo qaaday Jaziiradda Mauritius halkaas oo maxkamad lagu soo taagay.
Garsooraha waxaa uu khamiistii sheegay in laga jarayo 3-dii sano ee ay horay u xirnaayeen.
Ciidamada midowga Yurub markii ay burcad badeed qabtaan waxaa ay u gacan geliyaan inta badan Mauritius, Kenya, Seychelles iyo Tanzania