Boko Haram Oo Baahisay video-ga Gabdho Ay Afduubteen
Sheeko:Dalka

Kooxdaha islaamiyiinta dalka Nigeria ee Boko Haram ayaa baahiyay videoga gabdho iskuuley ah oo ay horay u afduubteen.
Kooxda ayaa tusay gabdho ilaa 50 gaaraya, iyagoo ka codsaday xukuumadda in lagu badasho gabdhahan maxaabiis ay dowladda ka heysato kooxda Boko Haram.
Boko Haram ayaa ku afduubtay ilaa 276 gabdhood magaalada Chibok ee waqooyiga Nigeria
Waa markii 3aad oo video noocaas ah ay soo daayaan, waxaana la rumeysan yahay ilaa 219 ay weli hestaan.
Goobjoog News