Mareykanka Oo Xaqiijiyay Weerarka Sakow
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay weerar ay ciidamada Mareykanka iyo Komandosta Soomaalida ka geysteen magaalada Sakow ee Jubbada dhexe.
Xiriir ay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da la sameysay waaxda ayey sidaa u sheegtay, Mareykanka waxaa sheegayaa in ay jiraan labo weerar oo halkaas ka dhacay, mid Mareykanka iyo ciidamada Soomaalida ay wada galeen iyo mid kale oo ciidanka dowladda uu qaaday, kan hore 3 ayaa ku dhimatay halka mid dambe aan laheyn sida ay wax u dhaceen.
Goobjooge ku sugan magaalada Sakow ee Jubada dhexe oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa Goobjoog News u sheegay isniintii in weerar 3 maalin ka hor ay ku soo qaadeen Sakow ciidamo Soomaali oo garab ka helay ajaanib oo waddey labo diyaarad.
Goobjoog News