U bood dhigaalka

Dhallinyaro Lagu Qabtay Howlgallo Ay Ciidamada Dowladda Ka Sameeyeen Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay howlgallo dhallinyaro dhowr ah lagu qabtay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Wariyaheena Ibraahim Xaaji ayaa soo sheegaya in dhallinyarada la qabtay qaarkood ay ciidamada ammaanka guryahooda ugu galeen.

Saraakiisha howlgalladan horkacaysay ayaa laga soo xigtay in howlgalladan ay yihiin kuwo ammaanka guud ee degmooyinkaasi lagu xaqiijinayo.

Ciidamada dowladda ayaa maalmahan dambe waxay howlgallo ballaaran ka wadeen degmooyinka magaalada Muqdisho kuwaa oo lagu soo qabqabtay dad la rumeysan yahay in amni xumo ay magaalada ka wadeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News