Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Ka Hadlay Walwalka Axsaabta ee Dib U Dhac Ku Yimaadda Doorashooyinka
Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inay wali ku taagan yihiin qorshihii ahaa in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka la qabto waqtigii hore loogu ballamay ee 17 bisha April sannadka 2017.
Af-hayeenka guddida doorashooyinka Siciid Cali Muuse ayaa ka hadlay arrintan ka dib markii axsaabta mucaaradka Somaliland marar kale duwan ay sheegeen inay ka shaki qabaan in doorashada waqtigeedii dib looga dhigo, waxaanuu af-hayeen Siciid yiri isaga oo arrintaasi ka jawaabaya, “anaga ayaa ah dadkii loo xilsaaray in doorasho la qabto oo la muddeeyo, horey waa tii muddo kordhinta labada sanno ah ka dib loo cayimay doorashada inay April 2017 dhacdo sidiibaana wali ku taagannahay oo wax kale oo aanu wadnaa ma jirto”
Siciid Cali Muuse ayaa sheegay in haddii muddo kordhin la sameeyo ay arrintaasi ka iman karto axsaabta iyo xukuumadda oo isla waafaqsan balse aanay guddi ahaana awood u lahayn inay waqtiga ay rabaan ku darsadaan doorashada, “Annagu inaan sabab keenno waxay ku jirtaa shaqada na loo igmaday balse inaanu sababaynno oo aanu qolo kasta oo ay khusayso soo hordhigno ayaa iyaduba waajib ah tiina meesha ma taallo maanta, waxa bilaabatay diiwaangelintii codbixiyayaasha gobolkii ugu dambeey markaas doorasho waqtigeedii ayey dhacaysaa”, ayuu yiri Siciid Cali Muuse.
Xisbiyada siyaasadda Somaliland oo xisbiga talada haya ee Kulmiye ku jiro ayaa marar kala duwan soo gudbiyey inay u muuqato dib u dhac ku yimaadda doorashada iyagoo sababta ugu weyna ka dhiganaya in aan wali la meel marin xeerkii beeluhu ku heli lahaayeen kuraasta baarlamaanka oo wali laga sugayo madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.
Goobjoog News