U bood dhigaalka

Ciidanka Ahlu Sunna oo Howlgallo Ka Wada Magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Gobalka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa howlgallo ka wada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud.

Howlgallada ayaa ka soconaya dhammaan xaafadaha magaalada Dhuusamareeb kuwaas oo lagu arkayo ciidamada ka tirsan Ahlu Sunna oo baaritaanno ka wada.

Dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News waxay sheegeen in howlgalladaan ay billowdeen xalay illaa maantana ay soconayaan lamana garan karo xilliga ay ku eg yihiin.

Wariyaha Goobjoog News wuxuu ka soo xigtay saraakiisha maamulka Ahlu Sunna ee degmada Dhuusamareeb in howlgalladaan ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka islamarkaana looga hortagayo qaraxyo la sheegay in Alshabaab ay ka geysan karaan Dhuusamareeb.

Ciidanka maamulka ayaa lagu arkayaa dhammaan waddooyinka laga soo galo magaalada Dhuusamareeb kuwaas oo baaritaanno wada.

Saraakiisha Ahlu Sunna weli wax faahfaahin ah kama aynaan bixin howlgalladaan magaalada ka socda wax ka badan 12 saac.

Goobjoog News