U bood dhigaalka

Baarlamaanka Puntland oo meelmariyay Xeerka Kufsiga

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka Puntland ayaa waxay ansixiyeen xeerka Kufsiga oo ah  noociisa kii ugu horreeyay ee Soomaaliya laga hirgaliyo.

Xeerkan ayaa la sheegay in lagu dhiirrigalinayo cadaaladda Puntland, waxaanuu soo socday muddo sanad ka badan oo habeyntiisa iyo meel marintiisu ay ku qaadatay.

Xeerkan ayaa waxyaabaha uu xoogga saarayo waxaa ka mid ah kufsi kooxeedka, daandaansiga iyo handadaadda galmo, ganacsiga iyo addoonisiga galmo kufsi, caadaadiska Galmo, isqaawin, afduub iyo soo saarista; baahinta muuqaallada anshax xumada ah ee sida ula kaca ah loo sameeyo.

Xeerkan oo bilowgii Todobaadkan ay baarlamaanku cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen ayaa waxaa soo gudbiyay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha diinta iyo dhaqan celinta oo muddo dheer xeerkan gacanta ku haysay kana shaqeynaysay.

Xeerkan waxaa laga talo galiyay culumada Puntland oo wax laga weydiiyay inuu sharciga waafaqsan yahay iyo in  kale.

Xeerkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale laga hirgaliyo guud ahaan Soomaaliya.

Goobjoog News