Golaha Wakiillada Somaliland Qaarkood oo Ku Kala Aragti Duwanaday Lixda Goobood ee Codbixinta Deegaanka Lughaya
Saddex mudane oo ka tirsan aqalka Wakiillada Somaliland ayaa difaacay in xukuumadda Somaliland diiwaangelinta codbixiyeyaasha ka qabato Lix goobood oo ka tirsan degmada Lughaya oo muran ka taagnaa mudooyinkii dambe, halka xildhibaanno kalena ay eedayn ku aaddan goobahaa usoo jeediyeen xukuumadda.
Lixdan goobood ee ka tirsan degmada Lughaya ayaa murankoodu bilowday ka dib markii wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland soo saartay in codka deegaanadaasi uu hoos tagi doono gobolka Hargeyas, taas oo ay ka soo horjeesteen dadka ku nool ee deeggan Lixdaa goobood.
Xildhibaanadan oo kala ah Cabdikariim Aw-Cali Shabeel , Cabdilaahi Axmed Balaaki iyo Maxamuud Cumar Xaashi ayaa ku doodaya in xukuumaddu ku saxan tahay in deegaanadaasi hoos tagaan degmada Hargeysa, iyaga oo cuskanaya xeerka numbarkiisu yahay 23/2000 oo ay sheegeen inuu qeexayo in deegaanada u dhexeeya xuduudaha labo gobol uu gobolka weyni qaadanayo waxaanu yiri Xildhibaan Balaaki “waxaan idin sheegayaa dadka madaxda dhaqanka u badan ee ku doodaya in goobahani hoos tagayaan gobolka Awdal miyaad illowdeen mise maba ogidin xeerkii la ansixiyey ee 23/2000 kaasi ayaa sidan cadaynaya “ .
Xildhibaanadan oo warbaahinta kula hadlay magaalad Hargeysa ayaa tilmaamay in diiwangelintu khalkhal geli karto haddii xukuumaddu ka laabato talaabadaasi .
Dhanka kale isla xildhibaanno ka tirsan aqalka wakiilada ayaa xukuumadda ku dhaliilay arrintan waxayna sheegeen inay keenayso kacdoon ay dadka deegaanku kaga hor yimaaddaan talaabadan waxaana xildhibaanadaasi oo uu ka mid aha Axmed yaasiin Shiikh Cali Ayaanle uu yiri “ anaga ayaa kow ka ah dadka ka soo horjeeda arrintan waxaanu xukuumadda leenahay gaar ahaan madaxweynaha ayaanay dhib dalka nabadgelyadiisa arrintani u soo jiidin ee madaxweyne sidii tii horeba 2010 lagu galay u daa “.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inu maanta odayaal ka soo jeeda deegaanadaa lagu muran san yahay kulan kala yeesho arrintan oo aad hadal haynteedu u badnayd labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Goobjoog News