Rabshado Ay Dad Ku Dhinteen oo Ka Socda Laascaanood

Magaalada Laascaanood waxa ka socda rabshado iyo is rasaasayn u dhaxaysa ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ee ku sugan halkaas iyo dadka deegaanka oo ka soo jeeda falal la sheegay iney ciidamadu ku kaceen.
Rabshadahan ayaa bilowday ka dib markii magaalada Laascaanood, gaar ahaa, meel ay ciidamadu ka ag dhawaayeen nin lagu dilay ciidamaduna aaney waxba qabanin ninkii wax dilayna ay iska eegteen wax tallaabo ahna aaney ka qaadin.
Dadkan deegaanka ayaan ku doodaya in ciidamadu wax gacan ah aaney ka geysan badbaadinta ninka la dilaayey iyo qabashada kan wax dilay toona, waxaana isla markiiba bilowday xabad u dhaxaysa labada dhinac iyo dagaal ku fiday magaalada oo garay illaa dhinaca boosteejada galbeed ee magaalada Laascaanood. Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu wali socdo, lamana oga inta waxyeello ah ee uu iska hor imaadkani sababay.
Labo habeen ka hor waxa magaalada Laascaanood lagu dhex dilay sarkaal ka tirsanaa shirkadda Dahabshiil iyada oo mid kalena lagu dhaawacay mana jirto cid loo qabtay falkaas ka dhacay gudaha magaalada.
Goobjoog News