Somaliland oo Sheegtay in Garoomadeeda Diyaaraha ay u Furtay Qaadka Kenya

Wasiirka Duulista Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa ku dhawaaqay in garoomadooda diyaaraduhu u faran yihiin iney ka soo dagaan diyaaradaha qaadka siday ee dalka Kenya, isagoo taa uga soo horjeeda amar kasoo baxay shalay dowladda federaalka oo lagu hakinayo qaadka ka yimaadda Kenya guud ahaan Somaliya.
Wasiirka duulista Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo ka hadlay go’aan ay dawladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inay ku hakisay qaadka Miirooga ah ee ka yimaada dalka Kenya ayaa wasiirku sheegay in Airport-yada ay Somaliland maamusho oo kan Hargeysa ka mid yahay ay adeegsan karaan diyaaradaha qaadka sida iyada oo bishii April ee sannadkan wasiirka qorshaynta Somaliland iyo ganacsato qaadka ee reer Kenya ah ay heshiis hor dhac ah ku galeen in Somaliland qaadka Miirooga iman karo ay kaal saxeexdeen.
Saameynta Qaadku ku leeyahay Somaliland
Somaliland ayaa ah meesha ugu badan ee laga isticmaalo cunista qaadka marka loo fiiriyo dhulka Soomaalida waxaana maalinkii lagu qiyaasaa in ugu yaraan 70 gaari oo nooca xamuulka ah ay soo galaan iyaga oo u kala gudba deegaanada kala duwan ee Somaliland.
Baabuurtan qaadka keenaya ayaa waxay hoostagaan illaa 15 shirkadood oo ka ganacsada qaadka kana keena dalka Ethiopia, waxayna saamayn xooggan ku leeyihiin Somaliland, baabuurtaasi ayaa la ogyahay wakhtiga ay soo galaan magaalooyinka sida Hargeysa iyadoo la dareemo haddii ay dib uga dhacaan waqtigoodii lagu yaqaaney.
Daraasad ay dhawaan wasaaradda qorshaynta Somaliland ka samaysay Qaadka ayaa lagu ogaaday in 90% dadka isticmaalaa ay yihiin dadka ka weyn da’da 35 sanno jirka ah, waxay sheegtay in maalinle lacag ku dhaw hal Million oo doolar-ka maraykanka ah ay dadku ku isticmaalaan kaliya cunista qaadka . waxayna wasaaraddu ku dartay intaasi in hadda saaamayntiisu xataa ay u gudubtay dumarka oo ay jiraan haween iyaguna isticmaala cunista qaadka.
Qaadkan yimaadda Somaliland oo qiimaha lagu iibsada ay kala duwanyihiin ayaa sidoo kale waxa uu noqdaa waxa ugu badan ee bulshadu is daymiso dhinaca kalana isaga ayaa ugu badan daymaha dacwadahoodu u gudbaan maxakamadaha ee laga gar sooro.
Somaliland waxa Labo sanno ka hor ka bilaabmay ol’ole culumada iyo dhakhaatiirta caafimaadka oo bulshada ka wacyigelinaya khatarta qaadka oo la sheegayo inuu kaalinta koowaad ka qaato xanuunada maskaxda, waxaase doodaha culimada iyo dhakhaatiirtu daciifeen markii ay wasaaradda maaliyadu sheegtay in 20% ay miisaaniyadda sannadka Somaliland u soo xarootaa ay ka timaaddo cashuurta qaadka.
Marka laga hadlaayo saamaynta uu qaadku ku leeyahay ganacsiga Somaliland dhexdiisa, waxa jiray iska horimaadyo Labo dhinac ah oo ay dad ku dhinteen kaasi oo ka dambaysay ka dib markii dagaallo ay dhex mareen shirkado ku tartansan keenista qaadka .
Dhacdadii ugu dambasayna waxay ahayd mid ka dhacday deegaanka Jaamac Dubad oo ka tirsan dhulka Soomaalida ee Ethiopia maamusho kaasi oo baabuur qaad ka qaaday magaalada Burco oo cashuur la’aan isku dayey inuu deegaankaasi geeyo ka dibna ay iska horimaadkii ka dhashay uu ku dhintay sarkaal Ethiopian ah, iska horimaadka ayaa dhex martay rag difaacayey qaadka iyo ciidamo deegaankaasi ah taasi oo sababtay in ku dhawaad 40 qof inka badan oo dadkii deegankooda qaadka la geeyey ah loogu aaro askartigii la dilay.
Qaadkan Somaliland uga yimaadda dalka Ethiopia oo marka laga soo bilaabo magalada Togwajaale kaantaroolada uu soo maro ay Somaliland maamusho ayaan hal koontaroolna lagu hakinin isaga halka baabuurta kale ee jidka la adeegsata iyaga la hakiyo oo ugu yaraan laga hubiyo sharciga wadista amaba baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyo.
Goobjoog News