Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqay 3 maalmood oo baroor diiq ah in loo sameynayo dadkii ku geeriyooday rabshadihii dhacay inta lagu jiray xaflad diimeed lagu qabtay meel u dhaw caasimadda Addis Ababa oo ay ku dhinteen ugu yaraan 52 qof, iyadoo baroor diiqdaasi ay ka bilaabaneyso maanta oo Isniin ah.
Bayaan laga baahiyay idaacadda iyo telefishinka qaranka Itoobiya ayaa lagu shaaciyaya in baroor diiqdan loo sameynayo dadka ku waxyeelloobay dhacdadan; “Muwaadiniinta aan waxba galabsan ee noloshooda ku waayay rabshadaha ay ka dambeeyeen awoodaha ka soo horjeeda nabadda”, ayaa lagu sheegay bayaanka.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ballan-qaaday in lala xisaabtami doono kuwa mas’uulka ka ahaa dilka 52 qof intii uu mudaaharaadku socday, isagoo diiday arrinka la isla dhex marayay ee ah in ciidamada ammaanku ay bilaabeen rasaas, taas oo keentay in ay dadkaasi ku waxyeeloobeen.




From the comments