U bood dhigaalka

Dowladda Oo Sheegtay Iney Dishey Dagaalyahanno Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney dishey dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidanka ka sameeyeen gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdalla Xuseen Cali  oo la hadlayey Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay 14 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ku dileedn duleedka deegaanka Lambar Kontan ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in dagaalyahannada la diley ay wadeen qorshe ah iney weerar ka geystaan deegaanno ka tirsan Shabellaha Hoose, balse ay ciidanka xoogga dalka ay ka hortageen arrinkaasi.

Sidoo kale wasiir Cabdalla ayaa tilmaamay in Al-shabaab laga gubay gaari ay wateen, balse ma aanu faah faahin nooca gaarigaasi yahay.

Ugu Dambeyn wasiir ku xigeenka wasaaradda difaaca xukuumadda Soomaaliya Cabdalla Xuseen Cali ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan deegaanka Lambar 50 iyo nawaaxigiisa ay aad ula shaqeeyeen  ciidanka dowladda.

Al-shabaab  dhankooda kama aysan hadal hadalkaan kasoo yeeray dowladda Federaalka ee ah in laga dilay 14 dagaalyahan.

Goobjoog News