U bood dhigaalka

Guddoomiye Jawaari Oo Gaarey Jowhar

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Xildhibaanno, Mas’uuliyiinta Sh/dhexe, Odayaal dhaqameed iyo xubno  kale ayaa guddoomiye Jawaari kusoo dhoweeyay magaalada Jowhar.

Ulajeedka guddoomiye Jawaari u tagey Jowhar ayaa ah ka qeybgalka hannaanka ay u dhaceyso doorashada guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshebelle iyo ku xigeennadiisa oo maanta ka dhaceysa Jowhar.

Amniga guud ee magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada dhan lagu soo daadiyey ciidamada dowladda Federaalka ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News