Ra’iisul Wasaaraha Oo Hambalyo u Diray Madaxda Cusub Ee Hirshabelle

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ee maamulka Hirshabelle.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri:
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa soo dhoweeyey doorashadii ka dhacdey magaalada Jowhar ee lagu doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).
“Waxaan u hambalyaynayaa Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo ku xigeenkiisa Waxaan Alle uga baryaynaa in uu howsha adag ee loo doortay ku garab galo, waxaan aad ugu faraxsanahay sida ay doorashada u dhacday, oo ah mid xaq ah iyo si xalaal ku dhacday, bulshadana ay la shaqeeyaan hogaanka cusub” ayuu yiri R.W Cumar.