Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Hadashay Tayeynta Waxbarashada Dalka
Wasaaradda Waxbarada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxay sheegtay iney wado Qorshe lagu kala saarayo tayada jaamacadaha ka howlgala dalka gaar ahaan magaalada mugadishu ee caasimadda dalkeena hooyo.
Agaasimaha waxbarashada sare ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda uu waqtigeedu dhamaaday mudane Ismaacii Yuusuf cismaan ayaa waxa uu sheegay iney wasaaraddu ku howlantahay tayanta waxbarashada dalka ayna jiraan kulamo kale oo ay la qaateen maamullada qeybta ka ah dowladda dhexe ee soomaaliya dhawaana afti loo qaadi doono sharciga tayaynta wabarashada dalka waa sida uu shaaciyey Agaasimaha waxabarashada sare ee dalka waxa uuna yiri
“markii ay siibateen jaamacadaha sanadkii 2014 waxaan bilownay inaan dajino sharuucdii xakameyn laheyd oo loo dajin lahaa jaamacadahaas mar walba waxaad ubaahantay dhaqaale markaad sharci dajineyso 2014 ilaa 2015 waxaan dhameynay shacigii lagu hagi lahaa jaamacadaha sida gaarka ah loo leeyahay”
Cismaan yuusuf Agaasimaha waxbarashada sare ee dalka oo hadalkiisa siiwata ayaa shaaciyey iney dabagal ku hayaan jaamacadaha ka jira dalka ,ayna jiraan jaamacado aan buuxin Karin sharuudihii looga bahnaa jaamacad markale isagoo arrintaasi ka hadlaayo waxa uu yiri ,,sida aan tirade ku hayno ilaa 3jaamacadood ayaa xirantay waxayna u xirmeen tayo la,aan maxaa yeelay dadka ayaa kala dooranaayo jaamacaduhu way ogyihiin heerka ay joogaan anagana indhaha ayaan ku haynaa,,
Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee soomaaliya wadankana uu galay xaalad burbur iyo fowdo ayaa waxaa meesha ka baxay adeegyadii asaaiga ahaa ku waas oo ay midyihiin iney waxbarashadii caafimaadkii oo inta badan ay cawdaaan bulashada soomaaliyeed, balse lama oga tilaabadaan cusub oo ay qaaday wasaaradda waxbarashada dowladda fedaraalka waxay ka badaleyso irrinkaasi.