Q.M Oo Daacish Ku Eedeysay Falal Ka Baxsan Banii’aadamnimada
Mas’uuliyiin ka tirsan qaramada midoobay oo qaabilsan dhanka xaquuqul insaanka ayaa waxay sheegayaan iney heleen warbixinno ku saabsan iney galeen falal-ka dhan ah bani aadanimada ururka daacish xilli ay ku sii dhawaanayaan ciidamada dowladda ciraaq magaalada mousil.
Mid ka mid xaaladaha ama dhacdooyinka guracan oo ay geeteen Daacish ayaa warbixinnada waxay sheegayaan iney dileen saddex haween ah iyo saddex caruur ah , ka dib markii ay ugaarsanayeen xubno ka tirsan qoyskaan iyagoo ku qasabay iney ka guuraan magaalada Mousil una guuraan meelo ka le oo ka baxsan magaalada, qaramada midoobay ayaa ku waramaayo in falalka guracan oo ay ku dhaqmayaan daacish ay xoojineyso cabsida laga qabo in dadka rayidka ah ay gabaad ka dhigtaan ama ay adeegsadaan.
Ku dhawaad 30kun ciidamada dowladda Ciraaq dagaalyahano ka tirsan Kurdiyiinta odey dhaqameedyo Suniyiin ah iyo meleeshiyaad ka tirsan Shiicada , iyagoo gacan ka helaayo diyaaradaha is baheysiga caalamiga ah oo uu hogaaminaayo Mareykanka iyo lataliyaal dhanka ciidamada ah ayaa waxay weerar ku qaadeen magaalada Mousil si ay gacant dowladda Ciraaq u soo gasho maalmo kooban howlgalkaan ayaa waxaa loo asteeyey 8maalmood oo qura.
Waxaa la filayaan inuu qaato howlgalka ka socda magaalada mousil todobaadyo haddeysan noqon bilooyin in ka badan 3kun ilaa 5kun oo ka tirsan ciidamada isbaheysiga ayaa waxaa la aaminsanyahy iney ku suganyihiin gudaha magaalada Mousil.
Mgaalada mousil ayaa waxaa ku nool dad shacab ah oo tiradoodu lagu qiyaasay 1.5 malyan 200kun oo qoyes waa ay iska hayaamaan magaalada todobaadyada fooda nagu so ohayo waa sida ay sheegeyso qaramada midoobay.
Goobjoog News