U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Cusmaan Gamuure Oo Dhaliilay Hannaanka Doorasho ee Ka Socda Puntland

Sheeko:War

Cusmaan Maxamed Faarax ‘Gamuure’ oo horey uga tirsanaa baarlamaandii KMG ee dalka, ahaan Xisaabiyihii guud ee Bankiga ganacsiga iyo keydka Soomaaliyeed ayaa dhaliilay hannaanka doorasho ee Puntland ka socda oo uu ku tilmaamay mid hufnaan ka fog.

Cusmaan oo aan ka wareysannay doorashada aqalka hoose ee Puntland ka bilaabatay ee lagu kala saarayo musharxiinta u tartameysa aqalka hoose ee baarlamaanka ayaa yiri:-

“Doorashadii Aqalka hoose Puntland ayay ka bilaabatay waxaana la filayaa in 12 kursi lagu doorto sida ay qorshaha u dhigteen, nadiifnimo(doorashada) xataa 50%  laga fili mayo, waxaanan filayaa in ummadda Soomaaliyeed ogtahay maanta marxaladda ay ku jirto, waxaan aamnisanahay in dhaliillo badan iska jiraan, faragelinno badani jiraaniin, laaluush badani uu jiro, oo si aan xaq ahayn waxyaabo badani u socdaan, dadkii Madasha ee waxaan sameeyay in ay qaarkood tartamayaan, nin walbaana uu culeyska ku saarayo in dad uu isagu leeyahay ay soo baxaan”.

Waxa uu Cusmaan Caqabad kale u arkaa odayaasha dhaqanka qaarkood oo uu ku eedeeyay nin jecleysi ay wadaan, waxa uuna yiri:-

“Sidaas oo kale waxaa iyaguna caqabad ah nimankii 135-ka ee isimada ahaa iney sameynayaan nin jecleysi oo ay doonayaan procedure(hanaankii) inaan la marin oo iyagu dad ay rabaan iney keensadaan meesha oo hebel hala ii doorto sidaas ayaan rabaaye qeybta noocaas ah wax u wada”.

Sidaas oo kale waxaa uu dhaliil u soo jeediyay gudiyda doorashooyinka heer federaal iyo heer maamul goboleedba, waxa uuna yiri;”Sidoo kale, waxaa aad daciif u ah guddiyadii ama heer federaal ha ahaadaane ama heer Puntland ha ahaadaane, waxaad mooddaa awoodoodii iney aad daciif u tahay Procedure-kii la dhigayna aan 50% lagu socon”.

Doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka ayaa si rasmi ah uga bilaabatay Puntland iyadoo isla shalay la doortay 10 xubnood oo ka mid noqon doona baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.

Goobjoog News