Siyaasiyiin Ku Sugan Garoowe Oo Gaalkacyo u Tagaya Xalinta Colaadda Puntland Iyo Galmudug

Siyaasiin ku sugan Magaaladda Garoowe ee xaruunta Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin sidii ay u tagi lahayeen Magaaladda Gaalkacyo si ay uga qayb qaataan Dadaallada Nabadda loogu raadinayo Magaaladaasi.
Axmed Maxamed Saciid oo ka mid ah Siyaasiinta ku sugan Magaaladda Garoowe ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay wadaan qaban qaabadii ugu dambeysay oo ay ku aadayaan Magaaladda Gaalkacyo.
Waxa uu uu carabka ku dhuftay siyaasigan in meello badan oo ka mid ah Puntland ay ka socdaan dadaallada Nabada loogu soo dabaalayo Gaalkacyo, si ay u sahlanaato nabad ku wada noolaanshiyaha Gobolka Mudug.
“Annaga waan abaabulannahay, waxaan joognaa Garoowe, Gaalkacyo ayaan ku wajahannahay, waxaan rabnaa inaan soo xareyno dadkeenna bannaanka daadsan ee abaarta iyo gaajada hayso, meel walbo ayaan isaga imaaney, inaan kala dhex galno Labada ciidan baan rabnaa oo aan badbaadinno dhiigga daadanaya” ayuu yiri Sakariye.
Sidoo kale sakariye ayaa ugu baaqey maamullada Galmudug iyo Puntland in dadaalkooda ay ku bixiyaan nabad ka dhalata magaalada Gaalkacyo.
Si kastaba Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa markii labaad waxa ay heshis xabad joojin ah ka gareen xaaladda kacsan ee magaaladda Gaalkacyo kadib markii ay habeen kahor qadka Taleefanka ku wada hadleen hoggaamiyeyaasha maamullada.
Maalinta Jimcaha ayaa loo ballansan yahay in madaxda Puntland, Galmudug, dowladda Federaalka xubno ka socda beesha caalamka, siyaasiyiin, waxgarad iyo culimo Soomaaliyeed isugu tagaan Gaalkacyo si loo dhammeeyo dagaallada kusoo noq noqday magaaladaasi.
Goobjoog News