Baydhabo Oo Lagu Dooranayo Xildhibaanno Cusub Oo Aqalka Hoose Ah0

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka socota doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee baarlamaanka, iyadoo maantana la filayo in doorashada ay halkeeda kasii socoto.
Wariyaha goobjoog ee magaalada Baydhabo C/qaadir Warcadde ayaa soo sheegaya in xarumaha doorashada aqalka hoose ay haatan kusii qulqulayaan ergada wax dooraneysa iyadoo amniga uu yahay mid aad u adag.
Beelaha dega Koonfur Galbeed waxaa qoondo ahaan kusoo aadey kuraasta aqalka hoose ee baarlamaanka 69, waxay doorteen 37 waxaa u hartay 32 kursi, iyagoo sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo dhameystiraya kuraasta kale ee harsan.
Shalay oo Talaado ahayd ergada doorasho ee ku sugan magaalada Baydhabo waxa ay doorteen 7 kursi, balse maanta kuraasta la dooraanayo inta ay la egtahay weli lama caddeyn.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News