Macalimiin Masaari Oo Wax Ka Dhigi Doona Dugsiyada 15 May Iyo Xasan Barsane
Wasaaradda waxbarashada ayaa dhigeeda Masar heshiis kula gashay in Masaarida lagu wareejiyo maamulka iyo waxbasrashada hoose iyo dhexe ee dugsiyada caanka ah ee 15 May Iyo Xasan Barsane.
Wareejinta labada dugsi ayaa timid ka dib markii dawladda Soomaaliya iyo dalka Masar ay kala saxeexdeen heshiis ku aadan in Masar ay waxabarashada ka caawiso Soomaaliya waxaana isla todobaadkan dalka yimi 15 macallin oo Masaari ah kuwaasi oo wax ka dhigi doona labadan dugsi .
Maxamed Sacad Juuda oo ah madaxa barnaamijkan wax barasho oo 15-kan macallin hogaaminayey oo la hadlay Goobjoognews ayaa sheegay in Masar oo hore Soomaaliya uga caawin jirtay dhinacyo ay waxbarashadu ka mid tahay ay mar kale go’aansatay inay ku soo laabato Somaaliya sabab ay ugu weyn tahay amniga Soomaaliya oo soo wanaagsanaaday waxaanu yiri
“ Muddadii uu hakadka galay gargaarkii Masar ay siin jirtay Soomaaliya ee dhawr iyo tobanka amaba labaatanka sanno noqon karta sababo xaaladihii amni ee ka jiray Soomaaliya awgeed dib waxay Masar u bilawday caawintaasi ka dib markii amnigu wanaagsanaaday oo aan ogaanay inay deganaashiiyo jiro waxaanu Soomaaliya isla garanay in caawinkasta oo suuro gal ah u qabano gaar ahaan dhanka waxbarashada”.
Macallimiintan Masaarida ahi waxay noqonayaan kuwa kaliya ee wax ka dhigi doona labadan dugsi iyaga ayaana maamul noqon doona Soomaaliduna shaqooyinka hoose ayey kala shaqayn doonaan .
Manhajka lagu baran doono labadna dugsi ee 15 may iyo Sheekh Xasan Barsane ayaa ah midka dalka Masar looga barto dugsiyada hoose dhexe marka laga reebo madooyinka Taariikhda iyo juquraafiga oo labaduba ka warami doona dalka Soomaaliya, arrintaas waxaa ay ka wada shaqeyn doonaan wasaarada waxbarashada ee Soomaaliya.
Madooyinka lagu baran doono labadan dugsi waxa ku cusub oo aan dalka hore uga jirin barashada muusikada iyo fansharaxanimada wax lacag ahna lagama qaadi doono dhammaan ardayda.
Goobjoog News ayaa weyydiisay madaxa barnaamijkan waxbarasho in ujeedka dalka masar ay caawinaadan nuucan ah u fulinayso ay tahay inay awood ku yeelato dalalka geeska Afrika oo ay Soomaaliyana ka mid tahay waxaanu Maxamed Juda uu sheegay in Masar ay markasta ka go’antahay caawinta walaalaheeda afrika iyada oo aanay siyaadsadi ku jirin waxaanu intaasi ku daray in dalalka ay ka mid yihiin , Kenya, Sudan, Yuganda iyo waliba Rwanda ay masar hore uga fulisay xarumo caafimaad iyo waxbarasho.
Barashada Luuqada carabiga ayaa ahaan doonta mid xooga lagu saari doono labadan dugsi oo xataa waxaa fursad u heli doona qofkasta oo raba inuu barto sida uu sheegayo Maxamed Sacad Juda madaxa qaybtan
“ Barashada luuqada carabiga waa nidaam lacag la’aan ah oo waxa baran kara qofkasta oo doonaya oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed oo ku jira xayn-daabka waxabrashadan ay keeneen masaarida timi Soomaaliya ‘ ayuu yiri Mr Juda.
ilaa afar dugsi uu ka mid yahay mid loogu magac daray madaxweynihii hore ee dalka masar Jamaal Cabdinaasir oo ay masaaridu gacanta ku hayso ayaa dalka ka jiray xilligii dawladdii Madaxweyne Maxamed siyaad Barre waxayna labadan dugsi ee hadda masaajirada lagu wareejiyey oo hoose dhexe ku bilaabmaya ka dib qorshaynayaan in waxbarasho dugsi sare ka fuliyaan Soomaaliya.
Macalimiinta dalka timid waxaa ka mid ah: Sacad Maxamed Juuda, Yusri Zakariya Axmed, Dr. Khalid Samir Za’id, Maxamud Safwa Al-Cadaar, Axmed Cali Muse Maxamed, Kheydar Maxamed Cabdo Al-sayid, Maxamed Gazi Cali, Maxamed Cabdi Casis Cabdul Muncim, Dhaariq Cali Saalix, Maxamed Cabdiraxim Maxamed Guneim, Najaax Cabdifadiil, Naaji Jaad, Ashraf Cali Cabdulahi.
Goobjoog News