Sawirro: Abaaraha Soomaaliya Ka Jira Oo Sababay Dhimasho Dad Iyo Duunyo Ah, Barakacii Ugu Darnaa Ayaa Socda
Dalka waxaa ka jira abaaro ba’an, Gobollada Togdheer iyo Sanaag xoolihii waa ay la’deen halka dadka ay barakacayaan si nafta u badbaadiyaan, gobollada Puntland waxaa harraad iyo gaajo u geeriyooday dad, xoolo iyo duur-joog.
Gobollada dhexe dadka waxaa ay isugu yimaadaan magaalooyin-ka iyagoo ka soo cararay wixii ay xoolo lahaayeen oo badankooda sida ay sheegeen u dhintay biyo iyo baad la’aan, gobolka Gedo waxaa ay dadka ka sheeganayaan biyo la’aan iyadoo ay khatar ku jiraan nolosha dadka iyo duunyada.
Hadaba halkan ka akhriso sida abaarta u saameysay gobollada dalka Soomaaliya:
Somaliland: Deegaannada Sanaag bari sida Laasqoray waxaa ka jira abaaro sababay baro-kac, iyagoo dadka uga hayaameen dhanka bari ee deegaankaasi, jidadka hareerahooda waxa yaalla xoolo dhintay waxaana meelaha qaar looga tagay dadka intii jilicsanayd sida caruur iyo dumar .
Deegaannada qaarkood dad meelo kala duwan abaarto ay ka soo ka xaysay ayaa iskugu ururay iyaga oo ku sugaaya halkaas gargaar ay ka helaan.
Maamulada iyo hay’adaha gargaarka deegaanka Sindhoobo oo 40 Km dhanka galbeed ka xigta magaalada Laascaanood waxa ku sugan waqtigan ku dhawaad 200 oo qof oo iskaga yimid deegaano qaarkood aad uga fog yihiin , qorraxda oo kulul iyo biyo la’aan heysatana dadkaasi waxay halkaas ku sugayaan cuno iyo biyo.
Qoysas ka soo guuray abaaro ka taagan deegaanada Sanaag bari oo aan ku jira geedi aan jiho lahayn madaama ayna jirin meel ay roob ku ogyihiin oo ay u socdaan ayaa ku sugan waqooyiga magaalada Laascaanood .
Cabdulaahi Cali Barre waa aabe qoyskiisu ka koobanyahay isku dar ahaan 143 qof waxay ku suganyihiin deegaan Baadiye ah oo ku Laascaanood waqooyi ka xiga isaga oo ka walaacsan xaalka abaarta ee haysata oo xoolo badana ay kaga dhinteen ayuu Goobjoognews la hadlay
“Xoolihii dhammaa iyo dadkii waxaa u timid Abaar waxaa dhacday abaar xun oo aan waligey aan arkin xoolaheyga waxa ay gaarayeen geela boqol iyo dhowr halaad arigana asna waxa uu gaarayey kun neef hadda waxaa ka hartay wax aan sidaas ubadneyn intii kale waxay ku dhinteen Abaartii.”
Xoolaha inta hartay wax gadanaayo ma jiraan waa abaar cid biil ii soo dirtana majirto , xaalasheyga ayaan biilan jiray deegaankii aan deganaa waan ka soo guuray baabuur ayaa nasoo raray oo 4 maalin ayuu nasoo waday hadda cunto ma heysano balse hadda dadka way fiicanyihiin waxaana kaala hadlaa buulo . ayuu hadalkiisa ku soo afjaray.
Xaliimo Cabdi oo deegaan u dhaw Buuhoodle ka timi waxay sheegaysaa inay Ari ku dhawaa 200 oo neef ay hadda toban wax ka yar uga hareen iyada iyo caruur ah oo ay dhashay hadda waxay ku sugan yihiin Sindhoobo.
Deegaanka Yagoori oo iyaduna ka tirsan gobolka Sool xoola dhaqatadu waxay sheegaysaa inay hadda gamco maran taagan yihiin ka dib markii ay abaaruhu dhammeeyeen xoolahoodii , waxayna badankoodu dadka intii xoogganayd ay soo galeen tuulayaasha iyaga oo cunno iyo biyo raadinaya .
Deegaanada Gobolka Togdheer waxa abaarto muujisay muuqaalo aad u naxdin badan waxaana dadka deegaanku sheegayaan inay arkeen neef xoolo ah oo mid kale oo dhintay dhogortiisa cuunaaya gaajo darteed , waxaana sidoo kale dhacday in Geelii isagu wax qaadi jiray in Gaari gacan lagu qaado meelaha qaar .
Puntland:Deegaannada Bandarbeyla ee bariga Puntland waxaHarraad iyo gaajo abaaraha ka dhashay u geeriyooday afar qof oo ay labo carruur yihiin, labo sano dadkan dhibkan ayaa heystay.
Guddoomiyaha degmada Bandarbeyla Siciid Aadan Cali oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay dadka abaarta u geeriyooday ka sakaw inay jiraan boqolaal xoolo ah oo abaaruhu galaafteen .
“Degmada waxaa ku dhintay afar qof, nin iyo labo caruur ah oo uu dhalay sidoo kale todobaadkii la soo dhaafay asna waxaa ku dhintay hal qof oo dumar ah dhamaantoodna gaajo iyo harraad ayay u dhinteen, hadda dad badan ayaa la il daran abaarta dhanka maamulka Puntland way jiraan abaabul ay wadaan oo gurmad ah lkin ilaa iyo hadda waxba kamaana helin “ ayuu yiri Guddoomiye Siciid
Saciid waxaa uu intaasi ku daray in sidoo kale ay jiraan duur-joog badan oo deegaankaasi ku noolayd oo hadda dhimanaya, waxaana meesha ka baxay dalagii iyo khudaartii oo aanay dadku deegaanku helin ku dhawaad sannad iyo bar.
Guddoomiyaha Bandarbeyla oo sii hadlaya waxaa uu yiri:
“Xaaladda aad ayey u adagatahy dhibka ugu weyn waxaa ugu horreeyo gugii kale ayaan de’in deyrtii hadana ma de’in waxa intaasi dheer abaar dabo dheeraatay way ku dhinteen sidoo kale Khudaarta xitaa iyadu waa roob la’aan oo wax dalag ah oo soo go’ay ma jiraan duur-joogtii xitaa waxy u dhinteen gaajo iyo harraad, dadka waxa ay la il daranyihiin gaajo iyo haraad dhibaatadaas aadka u daran ayaa saameyn ku yeelatay dadka degan magaalada Bandherbeyle iyo deegaanada ku hareereysan degmada Banderbeyla waa degmada ugu dulka balldhan marka loo eego Soomaaliya.”
Siciid ayaa xusay inay dadku awoodi waayeen xataa inay u hayaamaan deegaano kale abaarta oo dhul ballaaran ku fidsan awgeed , waxaanu sidoo kale guddoomiyuhu ka cabsi qabaa inay dad kale u geeriyoodaan abaartan.
Galmudug Iyo Hirshabeelle:Gobollada dhexe, Mudug Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, waxaa ka jira abaaro kale, dadka waxaa ay u barakacayaan magaalooyinka, inta badan xoolihii ayaa ka le’day.
Magalada Beledweyne iyo degmada Maxaas oo kutaala bariga fog ee Gobolka Hiiraan waxaa ku dhex nool dad kor u dhaafaya 8 kun oo qoys, kuwaas oo usoo naq raacay degmadan oo dadka loogu sheegay xoogaa roobab ah mudo bil kahor.
Axmed xaashi waa nin dhallinyaro ah oo da’ diisa waa 30- sano jir, weriyaha Goobjoog ayaa kula kulamay inta u dhexeysa Teedaan Iyo Dabayoodley ee bariga gobolka Hiiraan.
Axmed waxa uu ilaalinayay xoolo gaaraya ilaa 50 neef oo ari ah, waxaa uu sheegay in uu kasoo biyo raadsaday deegaan fog oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, qarash badan oo garaya ilaa 700 oo doolar ayuu ku xiyay gaarigii uu ka soo qaatay goobtii uu kusoo guuray, waxaana uu intaaa ii raaciyay in xoolihii uu lahaan inta badan abaarta uga dhammaadeen.
Weriyaha Goobjoog News Khalid Maxamud oo safar ku maray meelo badan oo abaaro ka jiraan waxaa uu la kulmay dad taagan hareeraha wadada oo biyo ay cabaan, dad socota ah oo raadinaya meel aay raxmada Alle ay ka curatay iyo kuwa qaar deegaanka ah oo aay aad uga fog-yihiin halka biyaha aay u raadsadaan.
Deegaannada kala ah Teedaan, Raqso, Hees, Coomaad, Bukure, Ina Baal, Galoowribad, iyo deegaano kale oo dhammaantood ka tirsan gobolka Hiiraaan una dhaxeeya inta badan degmooyinka Matabaan iyo Maxaad waxay kamid ahaayeen deegaannadii dadka ugu badan ay soo wada maciin bideen hase ahaatee xaaladihii aay kasoo carareen ee roob la’aanta ah mid lamid ah ayaa ku haaysato halkaasi, waxaa intaa u dheer in guryohoodii oo ay ka kasoo fogaadeen maadaama badankood dadkan ay kasoo bara keceen abaaraha ka jiro gobollada kala ah Galgaduud, Shabellaha Dhexe iyo qeybo kamid ah gobolka Mudug iyo deegaanno abaartu saameysay oo gobolka Hiiraan ah.
Hooyo Magaceeda ku sheegtay Xaliimo Cabdi waxa ay ka soo guurtay dhulka baadiyaha ah ee hoostaga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, Xaliimo waxaa ay sheegtay in ay horey u lahayd 500 oo neef oo Ari ah, hadane ay leedahay wax ka yar 100 neef, waxa ay intaa ku dartay in ay meel fog ay kasoo raadisay raxmadda Alle oo halkaan loogu sheegay si badbaado ay u helaan xoolaha aan badneyn ee ay hada haysato.
Mumin Maxamed Xalane oo ah gudoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaa uu sheegayaa dhibaato aad u adag oo heysata dadka ka yimid gobollada dalka, isagoo ku baqay in gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadkan.
Gedo:Gobollada koofurta waxaa sidoo kale ka jira abaaro ba’an, gobolka Gedo oo abaaruhu ka jiraan in ka badan laba bilood waxaana la arkayaa dad ku noolaa baadiyaha Gedo iyaga oo jidadka waddooyinka taagan oo baabuurta biyo weydiisanayaa intay xooluhu iskaga yimaadeen Waxaana jidadka ay dadkaasi baabuurta u taagan yihii ka mid ah waddooyinka isku xira Baaadheere iyo Faartax Dhuun oo isu jira 84 Km iyo Kurtun Dhooble oo Ceel-waaq u jirta ilaa 65Km .
Maxamed Kureed waxa uu ka mid yahay dadka Gedo abaartu ku heysato isaga oo Goobjoog News la hadlaaya ayuu yiri
“ Xaalada ka taagan deegaanka waa xaalad aad u adag dadka joogana waa dad ay u dhibaateysan waa dad abaar heyso iyo macluul wadooyinka ayaan taaganahy nafta ayaa naga gashay gaadiid iyo meel aan biyo ka cabno ma heysano dadka wadada maraayo ayaan waxaan cabno nasiiyo baabuurta aan bilyaha ka qaadano waxay maraan inta u dhaxeyso baardheere iyo ceelwaaq”.
Foostada biyaha ah ayaa deegaanadaasi Gedo la siinayaa lacag dhan $25 dollarka maraykanka ah.
Dad ku soo haraaday baadiyaha ayaa iyaguna soo galaaya magaalooyin ay Baardheere ka mid tahay , waxaana dadkaasi ku jiraa caruur gaari dameero lagu sido oo tamartii socodku ka dhammaatay .
Xogaha kala duwan ee ay Goobjoog News ka ururisay deegaanada dalka ee abaaraha ba’ani ka jiraan waxay dadka qaar sheegayaan inay tahay markii ugu horraysay ee ay abaar nooca ah arkaan xusuustooda.
W/D: Cumar Serbiya, Khalid Ilka-Case iyo Cabdi Caziz Gurbiye.