Dhibanayaasha Abaaraha Oo Sii Kordhaya, Dowladda Federaalka Iyo Hey’adaha Caalamiga Ah Oo La Dhaliilayo
Hey’adaha samafalka caalamiga ayaa ku guul-dareystay caawinta malaayiin Soomaali ah oo abaaro ugu dhibaateysan guud ahaan Soomaaliya, dhibanayaal u badan caruur, haween iyo duqow ayaan helin gargaarkii dowladda federaalka iyo xataa midkii beesha caalamka.
Sidaa ay tahay dadka isma dhiibin, gurmad kala duwan oo fal-celin u ah xaalada abaareed ee ka jirta deegaano oo Soomaaliya ka mid ah ayaa ka socda dhulka ay abaarto ka jirto qaybo ka mid ah .
Deegaano ka tirsan gobolada Sanaag , Nugaal iyo Sool oo ay ka taagantahay abaaro meelaha qaar ay dad u geeriyoodeen waxa waqtigan ka socda dedaalo ay wadaan dad iskugu jira ururo waddani ah, arday , deeq-biyayaal Soomaaliyeed, iyo dhakhaatiir waxaanu qorshuhu yahay in waxii awood ah dadkaasi lala garab istaago sii noloshooda loo badbaadiyo.
Dadkan samo falayaasha ah oo intay magoolooyinka ka baxeen dhulka baadiyaha ah gurmadka ku gaarsiinaya dadka tabaalaysan waxay safaro dheereen u galeen siday ku gaari lahaayeen iyaga oo sii maraaya dhul aan meelaha qaar jidadka loo maraayo socodka ku haboonayn.
Guddiyo isku xil saaray gurmadka abaaraha ayaa iska abaabulay magaalooyin ay ka mid yihiin Garoowe iyo Laascaanood, Maxamed Yuusuf Tigay oo ka mid ah guddida gurmadka abaaraha ee deegaanka Puntland ayaa Goobjoog News uga waramay nooca ay tahay caawinta dadka abaaruhu saameeyeen loo gaysanayo
“ gargaarka dadka la gaarsiinayaa waxa uu ka kooban yahay in marka hore biyo lagu dhaamiyey booyado la siiyo dadka si wax looga qabto oonka haya madaama ay jiraan dad u geeriyooday haraad dartii , in dadka siday u kala jilicsanyihiin loo siiyo raashin , in caafimaad darrada ka dhalatay haraadka iyo gaajada laga daweeyo, iyo in xoolaha waxii ka sii nool loo daweeyo” ayuu ku sharaxay gargaarka loo fidinayo dadka dhibaataysan
Dhallinyaro qaarkood ka yimaadeen deegaano ka durugsan dhulka abaaraha ayaa safaro u soo galay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen qaybinta mucaawanaadka la siinayo dadka , waxayna habeeno u hoyden dhulka baadiyaha ah ee dadka cunnada iyo biyaha lagu gaarsiinayo.
Magaalada Garoowe ardayda kala duwan ee wax ka bara goobaha waxbarashada waxay sameeyeen olole ay lacago ugu ururinayaan abaaraha waxayna sidoo kale dhex mareen magaalada iyaga oo qofkasta ka codsanaya inuu lacag dhan hal Dollar oo u dhiganta 23’000 oo shillin Soomaali ah,
Dhallinyaradan oo ololahooda ugu magacday (galin qad oo quudi walaalkaa )
waxay sidoo kale dadka xaafadaha ka ururiyeen raashin loogu gurmanaayo abaaraha.
Gurmad ay hor kacayeen guddida abaaraha ee fadhigeedu yahay Garoowe ayaa deeqahan gaarsiiyey meelo ay ka mid yihiin deegaanka Ceel biixi ee ka tirsan gobolka Sanaag halkaasi oo ay xaaladda dadku ay aad u liidato Maxamed Yuusuf Tigay oo xubin ka ah guddidaasi ayaa ka dayriyey waxay soo arkeen isaga oo sheegayna inaysan ku filnayn dadka waxii loo geeyey balse ay u baahan yihiin gurmad dheeri ah oo ay bixiyaan cidkasta oo awoodaysa.
Ururada maxaliga ayaa sidoo kale ku wehelinaaya guddiyada iyo shakhsiyaadka madaxa baabaan ee isku xil saaray sidii ay dadkaasi ugu gargaari lahaayeen .
CHDO oo ah urur ka shaqeeya deegaanada Sool ayaa ka mid ah kooxaha gacanta siinaya dadka tabaalaysan , waxaanu Samiir Siciid oo ah guddoomiyaha ururkaasi uu Goobjoog news u sheegay inay la kulmeen dad dhibaatooyin adagi ay ka haystaan nolosha oo degan inta u dhaxaysa magaalooyinka Laascanood iyo Ceerigaabo kuwaasi oo qaarkood intay deegaano ka durugsan ka soo hayaameen ka dibna ay tamartu u ogolaan waysay inay sii wataan safarkooda , waxaanu intaasi ku daray inaysan jirin wax hay’addo caalami ah oo ka qaybqaadanaya taakulaynta dadka inkasta oo ay dhawr mar codsiyo u direen” waxaanu gaarnay anaga oo gurmadka wadna deegaanada Taleex caryoolay Sarmaanyo iyo Xallin oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Laascaanood, dadku aad ayey u dhibaataysan yihiin ma haysnaa wax ay cunaan iyo waxay huwadaan toona , dadka soo guuray waxay ka yimaadeen dhammaan waxii ay dhaxanta ka huwan lahaayeen oo dadku cilada ayey iska jiifaan , markaas in loo gurmado waa waajib” ayuu yiri Samiir oo ah guddoomiyaha ururkan CHDO ee fadhigiisu yahay Laascaanood.
Caqabadaha u badan ee soo waajahaya dadkan gurmanaaya waxa ka mid ah gargaarka ay sidaan oo aan u filnayn dadka ay abaartu hayso iyada oo ay dadku inta badan isku ciriiryaan marka loo geeyo cunnada iyo waxii loo siday
ayna adkaato in loo qaybiyo madaama ay baahi badani haysato , iyo jidadka oo ay adagtahay in ay baabuurtu si fudud u maraan waxaanu sheegay Maxamed Shaqale oo ka mid ah kooxaha gargaarka ka wada deegaanka gobolka Togdheer in uu baabuur nooca waaraadka loo yaqaano ah oo ay ku sideen raashin iyo cuntooyin loo waday deeganada qaar uu jid xumo darteed uga gaddoomay taasi oo ay muddo ku qaadatay in ay heleen baabuur kale oo dadka gurmadka gaarsiiya.
Dadka ay abaaruhu ku dhufteen ayaa ku waramaya in marka la fiiriyo baahida ay qabaan ayna wali muuqanin wax la taaban karo oo ay ka bedeshay noloshooda gargaarada soo gaaray ilaa hadda waana arrinay uga markhaati furayaan kuwa gargaarka siiyey laftigoodu , waxayna wali codsanayaan in gurmad la siiyo dheeri ah.
Abaarta ka taagan Soomaaliya oo deegaano kala duwan ku baahsan ayaa waxa jira deegaano aan wali iyagu helin gurmad noocnaba waxaana ka mid ah dadka aan gurmadka helin qoysas tiro badan ku nool deegaanada Teedaan , Reeqso , Coomaad iyo Hees oo kala hoos taga degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee ka tirsan gobolka Hiiraan.
Muumin Maxamed Xalane Guddoomiyaha degmada Maxaas oo la hadlaayey Goobjoognews ayaa sheegay in dadkan oo noloshu ku adagtahay inay ka soo kala hayameen badankoodu gobolka Galgaduud sida Cadaado , Dhuusamareeb , Ceel dheer iyo caabud waaq iyo qaar ka yimid gobolka Mudug,
“ dadkaasi duruufo kala duwan ayaa haysta oo qaarkood xoolihii ayaa ka soo dhammaaday intay dhexda soo socdeen manay helin cid wax siisa waxaana ku jira nin ii sheegay in uu soo rartay 300 oo neef saddex geedi oo uu soo galay ka dib waxa u soo hartay 17 neef oo kaliya, waxaana idin caddaynayaa inaysan jirin wax la siiyey dadkaasi oo cunno iyo waxqabad kale toona leh” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Maxaas.
Waqtiga abaartu jirtay oo sii kordhaaya ayaa sababaya inay xaaladda dadka ay abaaruhu haystaan gaar ahaan kuwa aan wali la gargaar la gaarsiinin ay xaaladoodu sii xumaato waxayna markasta diranayaan baaqyo ay ku codsanayaan in loo gurmado .
Si kastaba ha ahaatee, gargaarka socda sida aan sheegnay waa mid is xilqaamid ah, waxaan meesha ka maqan, gacantii hey’adaha samafalka caalamiga ah.
W/D: Cumar Serbiya.