U bood dhigaalka

Magacayada Iyo Qabiillada Ay Kasoo Jeedaan 5 Kursi Ee Lagu Laabanayo Doorashadooda

Sheeko:Dalka

Madasha Hoggaanka Qaran ayaa qoraal ay soo saartey waxay ku go’aamisey in dib loogu laabto doorashada 5 kursi oo aqalka hoose ah, kuwaasi oo kamid ahaa 11 kursi oo horay loo laalay.

5-taa kursi ee dib loo dooran doono ayaa waxay doorashadooda ay ka dhici doontaa xarumaha ay ku shaqeeyaan maamul goboleedyada kala ah Jubbaland, Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Kuraasta Lasoo Celiyey iyo Maamullada:

Magaca Maamulka Qabiilka
Maxamed C/laahi Xasan Nuux Hirshabelle Jidle
Sheekh Shaacir Sh.Maxamed K/galbeed Digil, Macallin Weyne
C/qaadir Maxamuud Gaafow Galmudug Murusade
Cabdi Maxamuud Maxamed Puntland Ugaar Saleebaan
C/laahi Maxamed Aadan Jubbaland Gaaljecel

 

Hadaba kuraastan ayaa la doonayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan doorashooyinkooda dib loogu laabto, iyadoo aaney jirin cid laga reebay tartanka doorashada.

Goobjoog News