Khudabadda Xisaab-xirka Madaxweyne Xasan Sheekh, Akhriso Oo Qiimee
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah oo Xildhibaanno iyo dadweyne kale isniintii kula Hadley magaalada Muqdisho ayaa hor-dhigey xisaab-xirka 4tii sano ee la soo dhaafey iyo waxa uu doonayo in uu qabto haddii mar kale doorto.
Xasan Sheekh oo dadka u qeybiyay qoraal uu ku sheegayo “lixda tiir”, waxaa uu ugu horeyntii ku doodey in uu wax badan ka qabety lixdii tiir ee gubdhigga u aheyd barnaamijkiisii 2012-kii, isagoo soo qaatey:
- Soo celinta Ammniga.
- Dib u dhiska dhaqaalaha.
- Soo nooleynta Adeegga Bulshada.
- Adkeynta xariirka caalamiga ah iyo xoojinta midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhamaan.
Xasan Sheekh waxaa uu ka hadley dhismaha maamul goboleedyada iyo intii laga soo maray, isagoo sheegey in ay dalka ku soo kordhiyeen sii xoojinta awoodda maamul iyo nabadgelyo.
Dhismaha maamul goboleedyadaa ayuu sheegey in lagu saleeyay:
- Ilaalinta midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
- Hogaaminta dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay hurmuud ka ahaayeen golaha wasiirada xubnaha golasha shacabka siyaasiyiinta degaanada iyo odoyaasha dhaqanka.
- Lahaanshaha bulsho ee dhismaha maamulada iyadoo saldhig looga dhigay dib uhishiisiin ay ka qeybqaateen dhamaan dadka wadadega degaamadaas ay ka dhismayeen maamuladaas.
- Dhismaha hey’ado baarlamaan iyo madaxweynayaal ay doorteen ergo laga soo xulay dhamaan dadka Soomaalida ee degan maamulada.
Xasan Sheekh oo arrinkaas faah-faahinaya waxaa uu yiri:
“Maamuladaas oo noo dhisan oo udub dhaxaad u ah dowladnimadeena waxaa tusaalo mudan in madaxwynayaashii, madaxweynihii maamulka koonfur galbeed ee 6da oo lixda gobol ku dhisnaa inuu yahay wasiir ka tirsan maamul goboleedka maamulka Konfur Galbeed, maanta maamulkaas oo ka kooban saddex gobol, sidoo kale madaxweyne ku xigeenkii maamulka lixda gobol oo maanta ah madaxweyne ku xigeenka maamulka jubbland oo ka dhisan isaguna saddex gobol oo ka tirsan lixdii gobo lee barigaas oo dadka qaar ay ku haminaayeen ama ay abaabuleen taasi waxay daliil cad utahy isku tanasulka , walaaltinimada isu soo dhaweynta iyo is qadarinta dadka dhextaalo oo qofkastoo walaal ah iyo si kastoo lookala ra’yi duwanyahay marka danbe uu ku qancaayo waxa ay danta ku jirto”
“Dhismaha dowlad goboleedyada waxay sii xoojisay xoreynta dalka adkeynta nabadgelyada gaarsiinta adeegga bulshada dib uqabanqaabinta hogaanka dalka suurta gal manoqdeen inay dalkeena ay ka dhacaan doorashooyin labo aqal ah haddii ayna jirin maamuladaas sugidda nabadgelyada sebtember, 2012kii deegaano badan oo dalkeena ka mid aha waxay gacanta ugu jireen Alshabaab waxaynu sanadkii ugu horreeyey ku guuleysno in laga xoreeyo deegaanadaas badankood goobihii Alshabaab laga xoreeyey oo aan booqday waxaa ka mid ahaa Kismaayo, Baraawe, Marka ,Xudur, Diinsoor, Gabarhaarey, Ceelbuur, iyo kuwo kale oo faro badan”
Madaxweyne Xasan Sheekh dhanka Ammaanka iyo dib u dhiska ciidanka waxaa uu sheegey in uu wax badan ka qabtey qeybaha soo socda:
- Dib u habeynta ciidamada oo loo sameeyay nidaamkii darajooyinka iyo kala sareynta.
- Kordhinta Garaamka la siiyo Askariga oo halkii 2012kii ahaa 1doolar uu maanta marayaao 2doolar maalin kasta .
- Habeynta nidaamka mushaar bixinta ciidamada oo halkii sanadkii $100 2012 ka ahayd darajo kasta oo ciidamada ka tirsan maanta waxay ku salaysantahay darajada iyo taqasuska hadba sidii ay la egatay ayaa mushaarka askariga uu la egyahay ama sargaalka .
- Tayeynta tobabarka ciidanka iyo qalabeynta .
- Dhismaha xeryaha ciidanka .
- Dhismaha ciidamo leh tobabaro tayeysan sida ciidanka danab
- Isku dhafka ciidanka kala joogo gobolada dalkeena oo bilowday si xowliyana ku socdo.
Dib udhiska dhaqaalaha
Xasan Sheekh waxaa uu qiray in uu hooseeyo dhaqaalaha dalka iyo in dadka Soomaaliyeed ay ku noolyihiin qadka saboolnimada, sidaa ay tahay waxaa uu sheegey in uu qabtey qeybaha soo socda:
- Dajinta sharrciyada la xariira horumarinta dhaqaalaha iyo maamulka maaliyadeed dalka .
- Ku dhaqanka miisaaniyad qoondeysan oo baarlamaanka ansixiyay dajinteeda iyo xisaab xirkeeda intaba .
- Dhismaha hey’adaha maaliyadeed ee dowladda sida hey’adaha daqli aruurinta bankiga dhexe, xisaabiyaha guud , hanti dhowraha guud iyo kuwo kale oo badan.
- Xoojinta hey’adaha xariirka dhaqaalaha aduunka sida bankiga aduunka ,bankiga horumarina Africa , bankiga horumarinta Islaamka , santuuqa lacagta aduunka iyo kuwo kale oo badan.
- Dhaqan galinta halbeegyada caalamiga ee lagu qiyaasho koboca dhaqaale si Soomaaliya ay ula jaan qaado nidaamka dhaqaale ee dunida oo aan ka ahrnay dhamaadka qarnigii tagay.
Xasan Sheekh waxaa uu ku faaney in maanta ay ka mid tahy Soomaaliya dowladaha aduunka si dalka kasta maaliyadiisa ay u kormeeraan hey’adaha caalamiga ah iyadoo warbixinadii ugu dambeeyay ee sanad walba la soo saaro ay yihiin kuwo maanta meel kasta laga helikaro .
Waxyaabaha kale ee Xasan Sheekh sheegey in uu wax ka qabtey waxaa ka mid ah:
- Xoojinta xariirka ganacsiga ee dalalaka aan deriska nahay, dhiiro galinta wax soo saarka dhoofinta xoolah, joojinta dhoofinta dhuxusha, dhiiro galinta maalgashiga caalamiga ah iyo wixii lamida.
- Sahminta macdanta iyo shidaalka dalka iyo diyaarinta heshiisyo qodista shidaalka ee heer gabo gabo maraya maanta .
- Dajainta qorshaha horumarinta qaranaka kaas oo ah 2017ka ilaa 2020 waana markii ugu horreysay oo qorshe ceynkaan oo kale ah oo loo dajiyo wadankeena muddo ka badan 30 sano.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu ku dheeraadey in uu wax ka qabtey arrimo badan oo al xiriira xiriirka caalamiga ah sida:
- Soo celinta aqoonsiga dowlanimada Soomaaliya .
- Ka guddoominta waraaaqaha safiirnimada badan oo dunida ah loona soo magacaabay Soomaaliya , kuwaasi oo dalka ka furtay safaarado iyo qunsuliyaal ayna ka mid yihiin shanta dal ee joogtada golaha amaanka qaramad midoobay.
- Dib u firinta safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dunida , waxaan maanta noofuran 40 safaaradood in ku dhow oo inuu matala 100 dal.
- Dib u soo celintii kaalintii ay Soomaaliya ay ku laheed hay,adaha caalamiga ah oo ay xubinta ka tahy sida qaramada midoobay, Midowga Africa, Ururka Jaamacadda carabta, Ururka iskaashiga Islaamlka, Ururka IGad Soomaliya waxay cod lagu xisaabtamo ku leedahay ururadaas.
- Dajinta Siyaasadda Arrimaha dibadda oo ku dhisan iskaashi deris wanaag is xaqdhorw dalalka oo dhan.
Ugu Dambeyntii Xasan Sheekh waxaa uu ballan-qaadey haddii mar kale la doorto in uu wax ka qaban doono qeybaha soo socda:
- Dhisidda laamaha Amaanka ku waas oo awood u yeelan doono iney kala wareegaan ammiga dalka ciidama Amizom.
- Dhisidda xukuumado tayo leh kuwaas oo la dagaalami doono musuqmaasuqa iyo in aan qof lagu gacan siin laaluush.
- Hirgalinta Nidaam siyaasadeed oo dimuquraadi ah oo faro badan .
- Dhamestirka qabayada mashruuca siyaasadda amniga dhaqaalaha siloo gaaro gulo badan .
Hadaba, Akhristow, qiimee khudbadda Xasan Sheekh, kadibna wixii aad ka dhihi laheyd la wadaag Goobjoog News.
W/Q: Jaamac Cali Shidane